Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyay shir muhiim ah oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Midowga Yurub “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 11, 2020
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyay shir muhiim ah oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Midowga Yurub “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sida uu dhigayo qodobka 8aad ee heshiiskii Cotonou, dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa Muqdisho ku yeeshay kulan wadaxaajood siyaasadeed ah 11 November 2020, kaas oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweeyay wafdiga midowga Yurub, lana wadaagay muhiimmadda uu Soomaaliya u leedayahay xiriirka kala dhexeeya Midowga Yurub.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha ay sida isku midka ah u daneynayaan ee ku saleysan ajandaha wadajirka ah ee lagu heshiiyay. Wadaxaajoodkan ayaa muujiyay wadashaqeyn heerkeedu sarreeyo oo ku dhacday jawi furan, saaxiibtinimo oo wax dhisaya.

Ajandaha shirka waxaa ku jiray arrimo khuseeya doorashooyinka soo socda iyo xiriirka ka dhexeeya hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee dalka, dib u habeynta ciidamada ammaanka oo ay ku jirto dib u eegista qorshaha kala guurka (Transition Plan), dib u habeynta dhanka dhaqaalaha, iskaashiga dhinacyada horumarinta iyo xuquuqul insaanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa isku afgartay qabashada shirka amniga la xiriira oo ku dhici doona qaab fogaan arag ah, ayna isla guddoomin doonaan DFS, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, shirkaas oo dhici doona 30-ka November 2020.

Gunaanadkii Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay sida ay uga go’an tahay dib u habeynta dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga iyadoo Midowga Yurubna xaqiijiyay sida uu ugu heellan yahay ka qeyb qaadashada dadaallada qaran dhiska Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxa ay ammaantay kaalinta iyo ka qeyb galka Midowga Yurub ee dhanka ammaanka iyo hoggaanka sii kordhaya ee hay’daha difaaca Soomaaliya. Labada dhinac waxa ay sheegeen in ay ka go’antahay sii wadista wadashaqeynta ka dhaxeysa ee ku aaddan doorashooyinka soo socda iyo horumarinta dimoqraadiyadda Soomaaliya iyadoo loo marayo dib u habeynta dastuurka, garsoorka iyo xuquuqda aadanaha.

Ra’iisul Wasaaraha oo shirka guddoomiyay ka sokow, waxaa DFS shirka uga qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Caddaaladda, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Dhanka Midowga Yurub waxaa hoggaaminayay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo ay wehliyeen Safiirrada Jarmalka, Finland, Spain, Italy, Sweden, Denmark iyo Ireland. Waxaa sidoo kale wehliyay taliyeyaasha howlgalka Midowga Yurub ee EUNAVFOR, EUCAP iyo EUTM

 

 

 

Previous Post

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo loo doortay Yuusuf Dabageed

Next Post

Ethiopia oo burburisay goobo muhiim u ah ciidanka gobolka Tigreega

Next Post
Ethiopia oo burburisay goobo muhiim u ah ciidanka gobolka Tigreega

Ethiopia oo burburisay goobo muhiim u ah ciidanka gobolka Tigreega

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In