Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Hooygiisa Ku Qaabilay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland Iyo Hirshabeelle “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Hooygiisa Ku Qaabilay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland Iyo Hirshabeelle “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hooygiisa ku qaabilay Madaxweyneyaasha Dawladda Goboleedyada Jubbalanad iyo Hirshabeelle ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, si loo sii ambaaqaado qorsheyaasha horumarinta dalka iyo dib u dhiska dowladnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ee uu la kulmay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka, iyadoo wax kasta laga hormarinayo danta guud.

Related posts

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026

Dhankooda, Madaxweyneyaasha Dowladda Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan iyo Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha xilkan cusub, waxa ayna ku booriyeen in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo ka tarjumeysa hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la kulmay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ay iska xogwareysteen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka, isaga oo u muujiyey sida uu ugu furfuran yahay dhammaan aragtida kala duwan ee siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhammaan mas’uuliyiintan uu la kulmay waxa uu ka dhageystay talooyinka iyo tusaalooyinkooda ku aaddan horumarinta dalka, xoojinta dowladnimada iyo hirgelinta qorsheyaasha hor-tabinta u leh Shacabka Soomaaliyeed, waxa ayna dhankooda ku bogaadiyeen Ra’iisul Wasaaraha sida ay ugu go’an tahay in dalkeennu uu sameeyo horumarka dhinac kasta leh.

Previous Post

Dugsi laga Hirgelisay Degaanka Galinsoor oo Xariga Laga Jaray +Sawirro

Next Post

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Dugsi Sare Oo Lacag La’aan Ah Ka Hirgelinaya Deyniile “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Gobolka Banaadir Oo Dugsi Sare Oo Lacag La’aan Ah Ka Hirgelinaya Deyniile “SAWIRRO”

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Dugsi Sare Oo Lacag La’aan Ah Ka Hirgelinaya Deyniile “SAWIRRO”

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In