Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga kulan kula yeeshay Wasiirka Horumarinta iyo Iskaashiga ee Sweden Per Olson Fridh.
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Mr Per Olson Fridh ayaa maanta waxa ay ka wada hadleen iskaashiga labada dal iyo sii xoojinta xiriirkooda.