Tuesday, August 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare Rooble oo magacaabay guddi farsamo oo ka shaqeeya qabanqaabada shirka golaha wadatashiga qaran

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare Rooble oo magacaabay guddi farsamo oo ka shaqeeya qabanqaabada shirka golaha wadatashiga qaran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi farsamo oo ka kooban Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Guddiga farsamo ayaa u gogol xaarayaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaranku ay isugu imanayaan kaasoo lagu dhammeystirayo wadahadalladii arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

August 17, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

August 17, 2026

Xubnaha guddiga uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay waxa ay kala yihiin;

  1. Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac: Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya
  2. Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji : Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
  3. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Puntland.
  4. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde: Wasiirka Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Puntland
  5. Xirsi Jaamac Gaanni: Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Jubaland.
  6. Mursal Maxamed Khaliif: Wasiirka Caafimaadka Dowlad-goboleedka Jubaland
  7. Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel): Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Galmudug.
  8. Aadan Cusmaan Xuseen (Qoryooley): Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowlad-goboleedka Galmudug.
  9. Axmed Madoobe Nuunow: Wasiirka Qorsheynta Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.
  10. Maxamed Abuukar Cabdi: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.
  11. Maxamed Cali Caadle: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle.
  12. Caasho Khaliif Maxamed: Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad-goboleedka Hirshabelle.
  13. Basma Caamir Axmed: Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir.
  14. Xiireey Axmed Rooble: Xoghayaha Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u rajeeyay guddigan in ay u gutaan waajibaadka loo igmaday si hufan oo ay xilkasnimo ku jirto.

Previous Post

XFS oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday Garoonka diyaaradaha Abha ee Sucuudi Carabiya.

Next Post

Kulanka faafinta siyaasada waxbarashada dugsiyada gaarka ah oo Jowhar ka furmay “SAWIRRO”

Next Post
Kulanka faafinta siyaasada waxbarashada dugsiyada gaarka ah oo Jowhar ka furmay “SAWIRRO”

Kulanka faafinta siyaasada waxbarashada dugsiyada gaarka ah oo Jowhar ka furmay “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

August 17, 2026
0

Bandiiradleey, Agoosto 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

August 17, 2026
0

Muqdisho, Isniin, 17 Agoosto 2026: - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku...

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo shaqo siisay Hooyo Safiyo Macalin Cabdulle Cumar

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo shaqo siisay Hooyo Safiyo Macalin Cabdulle Cumar

August 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Hooyo Safiyo Macalin...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

August 17, 2026
0

Galinsoor, Agoosto, 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira safarkiisa deegaanada Galmudug ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In