Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo tilmaamay in shirka Londan uu ku soo gabo gaboobay guulo la taaban karo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo casuumay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigiisa oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa markale ka tacsiyeeyay qaraxii argagixisadu shalay koox ciyaartooy ah Kismaayo kula beegsadeen, isagoo ka warbixiyay socdaalkiisii London.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda dowlad-goboleedyada ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

“Marka hore waxaan rabaa inaan halkan ugu tacsiyadeeyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Jubbaland falkii argagaxa lahaa ee ay geysteen dadka Nabad diidka ah la beegsadeen dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isboortiga ah, intii dhimatay Allaha u naxariisto, intii ku dhaawacantay waxan Alle uga baryaynaa in uu caafimaad deg deg ah siiyo, waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed marna nama niyad jabi nayaan qalooyinka nabad diidka ah, waana inaan feejignaanaa oo aan ka hortagnaa dhagarta Cadowga”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay in socdaalkii ay ku tegeen London ay la xiriirtay casuumaad ay ka heleen Dowladda Britain, ayna ka qeybgaleen shirka caalamiga ah ee horumarinta Waxbarashada oo ay Soomaaliya door fiican ka qaadatay.

“Runtii shirka qeyb weyn ayaan ka qaadanay, waxaa kaloo bar barsocday kulamo aan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson iyo Wasiirka Arrimaha dibadda ee UK oo aan ka wada hadalnay arrimaha doorashooyinka, beni’aadanimada iyo amniga, guulo la taaban karo ayaa iyagana ka soo gaarnay, waxkasta oo aan uga baahano oo macquul ah oo horey noola garab istaagnaayeen ay hadana dadaalkooda sii labo laabayan waan isku soo afgaranay, safarkana waxa uu ahaa mid guulo noogu soo dhamaaday”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK uga cudurdaartay in cudurka COVID-19 dartiis ay u suurta geliweysay in uu la kulmo, isagoo u balan qaaday  in markale uu qorsheynayo booqasho uu ku tego Britain si uu ula kulmo Jaaliyadda.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay inay bilaabatay doorashooyinka, waxaana uu Madaxda dowlad goboleedyada kale ku booriyay inay dedejiyaan doorashada.

 

 

Previous Post

Shirka Dib u eegista Siyaasada Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ka furmay Dhuusamareeb

Next Post

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda oo doortay guddoomiye cusub “SAWIRRO”

Next Post
Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda oo doortay guddoomiye cusub “SAWIRRO”

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda oo doortay guddoomiye cusub “SAWIRRO”

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In