Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa u hambaleeyey Guddoonka Cusub ee golaha Aqalka Sare oo maanta la doortay
“Waxaan hambalyeynaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo mar kale maanta la doortay iyo labadiisa ku xigeen Sen. Cali Shacbaan Ibraahim iyo Sen. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa alle uga baryey inuu ku asturo xilka loo doortay guddoonka cusub ee golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadsa Federaalka Soomaaliya.