Sunday, July 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble: “Xukuumadda waxay xoogga saari doontaa xal u helista fatahaadaha soo noqnoqday”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
XFS oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday Garoonka diyaaradaha Abha ee Sucuudi Carabiya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta socdaal ku tegay magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, isla markaana u kuurgalay saameynta ay fatahaadaha webigu ku yeesheen magaalada ayaa sheegay in Xukuumadda ay xoogga saari doonto xal u helista fatahaadaha soo noqnoqday.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qoysaska ka barakacay fatahaadaha ay u baahanyihin kaalmo dhinac waliba leh, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacan ka geystaan caawinta Walaalahood uu saameeyay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

July 25, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

July 25, 2026

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa yiri “Jowhar iyo daafeheeda waxaan ku soo arkay duruufo adag oo ay sababeen fatahaadaha webiga. Qoysas badan ayaa barakacay una baahan dib-udejin, cunto iyo caafimaad. Aan u istaagno caawinta walaaleheen. Xukuumaddeydu waxay xoogga saari doontaa xal u helista fatahaadaha soo noqnoqday”.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faray guddi Wasiiro ah oo qeyb ka ah Wafdigiisa inay sida ugu dhaqsiyaha badan gurmad beni’aadannimo la soo gaaraan Jowhar.

“Waxaan ciidamada qalabka sida ugu hambalyaynayaa, gaar ahaan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta jab weyn gaarsiiyay argagixisada Al-Shabaab, waxayna dagaal kaga hayaan inta u dhexeyso Jilaable iyo labi buraale, waxaan rajeynayaa inaan garabkooda istaagno, Ilaaheyna garabkooda wuu istaagayaa, Insha Allah, guusha aad Shacabka Soomaaliyeed u soo hooyseen waa guul aan la hilmaami karin, waana idin garab taaganahay, sidaa horey ugu socda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Previous Post

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo la kulmay Ururka Qareennada “SAWIRRO”

Next Post

Martyr Mohamed Abddiwahid dies in battle against terrorists

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo la kulmay Ururka Qareennada “SAWIRRO”

Martyr Mohamed Abddiwahid dies in battle against terrorists

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

July 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Garoonka diyaaradaha Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

July 25, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay Dekedda Muqdisho, halkaas oo uu...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

July 25, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, oo la kulmay Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, oo la kulmay Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya

July 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In