Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kula kulmay xubno matalayay Midowga Musharraxiinta oo kala ah Madaxweyneyaashii hore Sheikh Shariif Sheikh Axmed, Xasan Sheikh Maxamuud iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo uu ka guddoomay liiska xubnaha ay cabashada ka qabaan ee ku jira guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo dowlad-goboleed.
Madaxtooyada Soomaaliya oo war kasoo saartay Gogosha Wadatashiga Qaran
RADIO MUQDISHO:-Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay wargelinaysaa in ay socdaan xiriirro lala yeelanayo dhinacyada lagu casuumay gogosha Wadatashiga Qaran, taas...




















