Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa hey’adaha ugu kobaca badan marka loo fiiriyo kuwa dhiggeeda ah”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa “Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa hey’adaha ugu kobaca badan marka loo fiiriyo kuwa dhiggeeda ah”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka qayb galay munaasabdda xuska maalinta Caalamiga ee Duulista rayidka, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay horumar fiican ka gaartay dhanka maareynta Hawada iyo duulimaadyada.

“Soomaaliya waxa ay u furmaysaa caalamka, waxaa la inaga rabaa in hey’adaheenna dhammaantood ay u diyaar garoobaan masuuliyad adag, si aan ula baratanno caalamka aan la shaqaysanayno, lana imaadno karti, aqoon iyo farsamo aan adduunka kula ganacsano”.

Related posts

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

March 5, 2026
Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

March 5, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray bahda duulimaadyada caalamiga (Civil Aviation Community), gaar ahaan bahda duulimaadyada Soomaaliya, Wasaaradda Gadiidka Iyo Duulista Hawada , isagoo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah siinayso horumarinta Hey’adda Duulista Hawada, si ay ula tartanto hey’adaha dhigeeda ah.

“Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa hey’adaha ugu kobaca badan marka loo fiiriyo dhiggeeda, maantana muddo gaaban waxa aan joognaa meel fiican oo lagu faani karo, waxaa la xaqiijiyey yoolal badan oo la hiigsanayey, kuwaas oo ku hirgalay dadaalka la bixiyey”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gadiidka  iyo Duulista   Hawada iyo Heya’adda Duulista Rayidka, sare uqaadidda maamulka hawada sare oo laga soo qaaday darajada G haatanna la gaarsiyey darajada “A” oo ah meesha ugu sareysa ee dhanka maamulka hawada sare.

Previous Post

Wasiir Daa’uud oo tilmaamay in Soomaaliya ay gaartay heerka ugu sareeya ee Maamulka Hawada

Next Post

Soomaaliya iyo Ethiopia oo mar kale kala saxiixday Is-afgarad la xiriira Arrimaha Difaaca

Next Post
Soomaaliya iyo Ethiopia oo mar kale kala saxiixday Is-afgarad la xiriira Arrimaha Difaaca

Soomaaliya iyo Ethiopia oo mar kale kala saxiixday Is-afgarad la xiriira Arrimaha Difaaca

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

March 5, 2026
0

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qeyb galay kulan afur ah oo lagu...

Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

March 5, 2026
0

Danjire Ilyaas Cali Xasan, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

March 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa magaalada Gaalkacyo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

March 5, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digreeto uu soo saaray waxa uu Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In