Tuesday, July 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa hey’adaha ugu kobaca badan marka loo fiiriyo kuwa dhiggeeda ah”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 7, 2023
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa “Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa hey’adaha ugu kobaca badan marka loo fiiriyo kuwa dhiggeeda ah”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka qayb galay munaasabdda xuska maalinta Caalamiga ee Duulista rayidka, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay horumar fiican ka gaartay dhanka maareynta Hawada iyo duulimaadyada.

“Soomaaliya waxa ay u furmaysaa caalamka, waxaa la inaga rabaa in hey’adaheenna dhammaantood ay u diyaar garoobaan masuuliyad adag, si aan ula baratanno caalamka aan la shaqaysanayno, lana imaadno karti, aqoon iyo farsamo aan adduunka kula ganacsano”.

Related posts

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

July 7, 2025
Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

July 7, 2025

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray bahda duulimaadyada caalamiga (Civil Aviation Community), gaar ahaan bahda duulimaadyada Soomaaliya, Wasaaradda Gadiidka Iyo Duulista Hawada , isagoo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah siinayso horumarinta Hey’adda Duulista Hawada, si ay ula tartanto hey’adaha dhigeeda ah.

“Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa hey’adaha ugu kobaca badan marka loo fiiriyo dhiggeeda, maantana muddo gaaban waxa aan joognaa meel fiican oo lagu faani karo, waxaa la xaqiijiyey yoolal badan oo la hiigsanayey, kuwaas oo ku hirgalay dadaalka la bixiyey”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gadiidka  iyo Duulista   Hawada iyo Heya’adda Duulista Rayidka, sare uqaadidda maamulka hawada sare oo laga soo qaaday darajada G haatanna la gaarsiyey darajada “A” oo ah meesha ugu sareysa ee dhanka maamulka hawada sare.

Previous Post

Wasiir Daa’uud oo tilmaamay in Soomaaliya ay gaartay heerka ugu sareeya ee Maamulka Hawada

Next Post

Soomaaliya iyo Ethiopia oo mar kale kala saxiixday Is-afgarad la xiriira Arrimaha Difaaca

Next Post
Soomaaliya iyo Ethiopia oo mar kale kala saxiixday Is-afgarad la xiriira Arrimaha Difaaca

Soomaaliya iyo Ethiopia oo mar kale kala saxiixday Is-afgarad la xiriira Arrimaha Difaaca

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

July 7, 2025
0

Shirweynaha Spain–Africa 2025 ayaa ka furmay magaalada Madrid, iyadoo uu si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee...

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

July 7, 2025
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo xirtay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran...

National Consultation meeting on Social Media Policy for Managing the Risks and Misuse of Social Media Platforms Concludes in Mogadishu

National Consultation meeting on Social Media Policy for Managing the Risks and Misuse of Social Media Platforms Concludes in Mogadishu

July 7, 2025
0

The Ministry of Information, Culture and Tourism of the Federal Government of Somalia has officially concluded the two-day National Consultative...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadalo  mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadalo mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar

July 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay qasriga Al-calamayn, dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In