Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Lama Aqbali Doono in La Xagal Daaciyo Halganka Dalka Looga Xoreynayo Khawaariijta”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Lama Aqbali Doono in La Xagal Daaciyo Halganka Dalka Looga Xoreynayo Khawaariijta”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Xamsa Cabdi Barre oo hadlayey Saraakiil iyo geesiyaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya halganka uu dhiigga badan u soo daatay ee dalka looga sifeynayo cadowga Khawaarijta ah.

“Halgankan aad dhiigga badan u soo hurteen lama aqbali karo in la majo xaabiyo, cid walba waa lagula xisaabtamayaa masuuliyadda saaran, idinkuna waxaad tihiin geesiyaal  diyaar u ah duruufta ugu adag in ay kula dagaalamaan cadowgooda, waxaad u dhimanaysaan, u- gaajoonaysaan waa waddankiina oo aad cadowga ka difaacaysaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo meel fagaaro ah kula hadlayay ciidamada.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in dal uusan horumar iyo isku-filnaansho gaari karin haddii uusan lahayn halyeeyo naftood hurayaal ah oo isku dhigaya cadow walba oo soo hujuuma qaranka, isla markaana u sabraya duruufo walba oo soo food saara.

Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka uu sii socon doono inta ay ku harsan yihiin argagixisadu taako ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay garab iyo gaashaan u noqdaan difaacayaasha qaranka ee dhiigooda u huraya xoreynta dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa  warbixinno la xiriira xaaladdaha bulsho ee ka jira Degmada Aadan Yabaal iyo deegaannada u dhow ka dhageystay odayaasha dhaqanka. Isagoo Ra’iisul Wasaaruhu  sheegay in Xukuumadda  DanQaran ay ka go’an tahay in adeegyada aas-aasiga ah la gaarsiiyo dhammaan degmooyinka iyo deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta.

Previous Post

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka qeybgalay xuska Maalinta Guusha Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Wasaaradda Warfaafinta oo tababar ku saabsan la dagaalanka khawaarijta ku soo gabagabeeysay Muqdisho

Next Post
Wasaaradda Warfaafinta oo tababar ku saabsan la dagaalanka khawaarijta ku soo gabagabeeysay Muqdisho

Wasaaradda Warfaafinta oo tababar ku saabsan la dagaalanka khawaarijta ku soo gabagabeeysay Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In