Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Warfaafinta oo tababar ku saabsan la dagaalanka khawaarijta ku soo gabagabeeysay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 30, 2023
in Wararka
0
Wasaaradda Warfaafinta oo tababar ku saabsan la dagaalanka khawaarijta ku soo gabagabeeysay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar ku saabsan isku xirka xiriirka Warbaahinta iyo la dagaalanka fikirka khawaarijta oo u socday howlwadeeno ka socday xafiisyada Warbaahinta iyo xiriirka bulshada ee hay’adaha dowladda Federaalka, Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in ujeedka tababarku wasaaradda Warfaafinta u soo qaban-qaabisay uu ahaa xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dowladda ee dhinac xiriirka warbaahinta iyo bulshada si kor loogu qaado mideynta farriimaha dowladda ee ku wajahan ciribtirka kooxaha khawaarijta.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

” Tababarkan waxuu muhiim u yahay isku-xirka dowladda, waxayna wasaaradda isku howshay sidii loo mideyn lahaa fariimaha loo gudbinaya shacabka Soomaaliyeed, waana mid kaalin ka qaadanaya dagaalanka khawaarijta, dhinaca wacyigalinta Diiniiga taas oo khawaarijta ka been sheegaan” ayuu yiri Agaasime Xayir.

Agaasime Xayir oo bogaadiyey Tababarayaasha bixiyay tababarka ayaa tilmaamay in aqoon isweydaarsigan ka duwanaa yahay kuwa caadiga ah, taa soo keentay in muddo dheer loo qorsheeyay si ka qeybgalayaasha u helaan waqti wanaagsan, isagoo ku booriyay ka qeyb-galayaasha in meel looga soo wadajeesto khawaarijta lana mideeya fariimaha.

Qaar kamid ah ka faa’ideystayaashii tababarka ayaa ka mahadceliyey fursadda la siiyay, tasoo ay sheegeen in loo baahnaa isku xirka xiriirka Warbaahinta si qeyb wayn looga noqdo dagaalka khawaarijta loo xoreynayo loona midoobo wacyi ahaan iyo militari ahaan.

Tababarkan oo socday muddo shan cisho ah ayaa waxaa ka faa’ideystay 50 xubnood oo ka kala socday hay’adaha dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kuwaas oo qaatay casharo xoojinayo xirfadleyda ka howgalla qeybaha kala duwan hay’adaha Warfaafinta dalka.

Ugu dambeyn agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdullaahi Xayi Ducaale ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay ka qeybgalayaasha tababarka ugu soo xirmay magaalada Muqdisho.

 

















Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Lama Aqbali Doono in La Xagal Daaciyo Halganka Dalka Looga Xoreynayo Khawaariijta”

Next Post

Xamse Xaadow “December inta aan la gaarin waxaan filaynaa in Soomaaliya ay ku biirto EAC”

Next Post
Xamse Xaadow “December inta aan la gaarin waxaan filaynaa in Soomaaliya ay ku biirto EAC”

Xamse Xaadow "December inta aan la gaarin waxaan filaynaa in Soomaaliya ay ku biirto EAC"

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In