Wednesday, December 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
36 minutes ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

December 3, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada siddeed dal

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada siddeed dal

December 3, 2025

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo Daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed, ayaa adkeeyey muhiimadda ay Qaranka u leedahay dhiirigelinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo hal-abuurkooda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay la yimaadaan isku-duubni iyo midnimo, kana fogaadaan qabyaaladda, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay haatan gacanta ku hayso shuruuc lagu hagaajinayo nidaamka shaqada lagu helo, hadda wixii ka dambeeyana shaqada dowladda lagu bixin doono hab daah-furan, tartan loo simanyahay, iyada oo qofka shaqada dowladda galaya loo eegayo aqoontiisa.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay muhiimadda hoggaanka wanaagsan iyo hal-abuurku u leeyahay horumarka iyo dowlad-dhiska dalka, ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in maskaxda la tuujiyo oo wax wanaagsan laga dhaliyo, lana aamino dalka, si ummaddu u gaarto horumar waara.

“Si aad horumar u gaarto, waa in aadan ku kaaftoomin meesha aad joogto, oo aad isbeddel iyo hal-abuur la timaaddaa, haddii aad rabto in aad wax hoggaamiso waa in aad noqotaa tusaale wanaagsan, si aad wax u hoggaamiso, dalkaagana horumar u gaarsiiso.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Wuxuu intaas ku daray Ra’iisul Wasaaruhu in ummad kasta oo guul xaqiijisay ay ku gaartay dad kooban oo la yimid fikir cusub oo horumar lagu gaari karo, isla markaana saldhigga guusha uu yahay tacliinta oo la xoojiyo, baaritaanno joogto ah iyo in la diido qofku in uu is-dhiibo.

Mudane Xamsa ayaa ugu dambeyntii ku booriyay in aysan ka cabsan mustaqbalka, isla markaana hoggaanka dalka gacantooda ku soo saaraan oo ay doorashada si weyn ugu qeyb qaataan.

Previous Post

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed

December 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo Daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed,...

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

December 3, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Yemen, Jeneraal Mohsen Maxamed Axmed Al-Daacari, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada siddeed dal

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada siddeed dal

December 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo Safiirro...

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

December 3, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweys Jama ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In