Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo Daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed, ayaa adkeeyey muhiimadda ay Qaranka u leedahay dhiirigelinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo hal-abuurkooda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay la yimaadaan isku-duubni iyo midnimo, kana fogaadaan qabyaaladda, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay haatan gacanta ku hayso shuruuc lagu hagaajinayo nidaamka shaqada lagu helo, hadda wixii ka dambeeyana shaqada dowladda lagu bixin doono hab daah-furan, tartan loo simanyahay, iyada oo qofka shaqada dowladda galaya loo eegayo aqoontiisa.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay muhiimadda hoggaanka wanaagsan iyo hal-abuurku u leeyahay horumarka iyo dowlad-dhiska dalka, ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in maskaxda la tuujiyo oo wax wanaagsan laga dhaliyo, lana aamino dalka, si ummaddu u gaarto horumar waara.

“Si aad horumar u gaarto, waa in aadan ku kaaftoomin meesha aad joogto, oo aad isbeddel iyo hal-abuur la timaaddaa, haddii aad rabto in aad wax hoggaamiso waa in aad noqotaa tusaale wanaagsan, si aad wax u hoggaamiso, dalkaagana horumar u gaarsiiso.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Wuxuu intaas ku daray Ra’iisul Wasaaruhu in ummad kasta oo guul xaqiijisay ay ku gaartay dad kooban oo la yimid fikir cusub oo horumar lagu gaari karo, isla markaana saldhigga guusha uu yahay tacliinta oo la xoojiyo, baaritaanno joogto ah iyo in la diido qofku in uu is-dhiibo.

Mudane Xamsa ayaa ugu dambeyntii ku booriyay in aysan ka cabsan mustaqbalka, isla markaana hoggaanka dalka gacantooda ku soo saaraan oo ay doorashada si weyn ugu qeyb qaataan.

Previous Post

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Yemen

Next Post

Wasiirka Hawlaha Guud oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub.

Next Post
Wasiirka Hawlaha Guud oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub.

Wasiirka Hawlaha Guud oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In