Saturday, August 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dowladda Qatar kala hadlay inay garab ku siiso ciribtirka Khawaariijta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dowladda Qatar kala hadlay inay garab ku siiso ciribtirka Khawaariijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay dhiggiisa dalka Qatar Mudane Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kulankooda kaga wada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ciribtirka Khawaariijta, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Bulshada, iyadoo la isku fahmay dhammaan qodobada laga wada hadlay.

Related posts

Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha Dhexe oo dilay Laba Horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha Dhexe oo dilay Laba Horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 22, 2026
Deegaanka Hul-Caduur oo halis ugu jira in looga guuro Bacaad kusii fidaya

Deegaanka Hul-Caduur oo halis ugu jira in looga guuro Bacaad kusii fidaya

August 22, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar sida ay u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka hirgelisay Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin dhismaha jidadka, xarumo dowladeed iyo taageerada dhismaha ciidamada qalabka sida.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Sheekh Doodishe iyo masuuliyiin kale.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo kormeeray xerada ciidamada guutada Cali binu Abiidaalib ee Maxaas

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shirka isbeddelka Cimilada Afrika uga qeybgalay Nairobi

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shirka isbeddelka Cimilada Afrika uga qeybgalay Nairobi

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shirka isbeddelka Cimilada Afrika uga qeybgalay Nairobi

Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha Dhexe oo dilay Laba Horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha Dhexe oo dilay Laba Horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Deegaanka ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa 21-kii bishaan Agoosto laba weerar oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab...

Deegaanka Hul-Caduur oo halis ugu jira in looga guuro Bacaad kusii fidaya

Deegaanka Hul-Caduur oo halis ugu jira in looga guuro Bacaad kusii fidaya

August 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Deegaanka Hul-Caduur oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa wajahaya xaalad adag, kaddib markii Bacadku si weyn...

Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

August 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Madey nurey sheikh ufurow, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday xarunta Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday xarunta Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya

August 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BEIJING):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdigataax Qaasim Maxamuud, oo magaalada Beijing ee xarunta dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In