Friday, October 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Kenya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Kenya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya, ayaa diiradda lagu saaray sida ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto khibradda maamulka doorashada ee guddiga.

Qorshaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran ayaa ah in dalkeenna laga hirgaliyo doorasho dad weyne oo xor ah, si bulshadda dib loogu celinayo talada, ayna u soo doortaan hoggaanka dalka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto socdaal isbeddel, uuna rajeynayo in la xoojiyo geeddi-socodka dimoqraadiyadeed, madaama dastuurka dib-u-eegis lagu sameeyay, baarlmaankuna ay meel mariyeen cutubyo muhiim ah oo ay qeyb ka tahay hannaanka doorasho ee dalka, taas oo ah tallaabo muhiim u ah dhanka dimoqraadiyadda dalka.

“Waxaan maanta halkan u joognaa inaan wax badan ka ogaanno siyaasadaha, nidaamyada, hababka iyo qalabka lagama maarmaanka u ah in la qabto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo guuleysta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa ayaa xusay hannaanka loo maro doorashada Kenya, iyada oo la isticmaalayo hababka casriga ah ay horseedeen qabsoomidda doorasho caddaalad ah, taas oo Soomaaliya u ah casharo ay tahay in ay ka dheegato, hab maamulka doorasho ee Kenya.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey guddiga soo dhaweynta iyo warbixinta ay siiyeen, isaga oo tilmaamay in gudaha dalka ay ku casuumi doonaan xubnaha guddiga doorashooyinka Kenya, si casharo ay uga bartaan guddiyada ka shaqeyn doona doorashada dalkeenna.

Previous Post

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha dalka oo xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayah QM Raisedon Zenenga

Next Post

Wasiir Biixi “27 Milyan oo koror ah ayuu sameeyay dakhliga dowladda 4-tii bil ee la soo dhaafay”

Next Post
Wasiir Biixi “27 Milyan oo koror ah ayuu sameeyay dakhliga dowladda 4-tii bil ee la soo dhaafay”

Wasiir Biixi “27 Milyan oo koror ah ayuu sameeyay dakhliga dowladda 4-tii bil ee la soo dhaafay”

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In