Sunday, July 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida Marxuum Cabdi Suulnuug

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 6, 2024
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida Marxuum Cabdi Suulnuug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuug) Abaandulihii Guutada 18-aad ee GorGor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Marxuumka Halyay u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isagoo xusay doorkii muhiimka ahaa uu ku lahaa ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah, taas oo tusaale wanaagsan u ah dadkaaga iyo dalkaaga oo aad naftaada u hurto.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, runtii waa geeri murugo leh, Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Maxamed Shiikh Xasan (Suulnuug) oo ahaa Abaanduulihii Guutada 18-aad ee GorGor, kaas oo ahaa Halyay si daacadnimo iyo geesinimo leh ugu soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Kawaarijta ah”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey, isaga oo dalkiisa ka difaacaya cadowga argagaixisada ah ee ku soo duulay.

Previous Post

Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka tacsiyadeysay geerida Abaanduulihii Guutada 18-aad ee GorGor

Next Post

Wasiirka Qorsheynta oo daah-furay Istiraatiijiyadda Wasaaradda ee 5-ta sano

Next Post
Wasiirka Qorsheynta oo daah-furay Istiraatiijiyadda Wasaaradda ee 5-ta sano

Wasiirka Qorsheynta oo daah-furay Istiraatiijiyadda Wasaaradda ee 5-ta sano

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In