Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tallaabo hore loo qaaday ku tilmaamay War-murtiyeedka Shirka Wadatashiga ee u dhexeeyey Madaxda Qaranka iyo Madaxdii hore ee Dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran ay soo dhoweyneyso talooyinka wax-ku-oolka ah ee shirka iyo guud ahaan kuwa ka imaanaya dadka Soomaaliyeed, si loogu biiriyo hiigsiga Xukuumadda ee ku addan amniga guud ee dalka, doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo ciribtirka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.
Shirka oo soconayey muddo laba maalmood ah ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan oo rajo gelinaya ummadda Soomaaliyeed.