Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyey dadka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si dhammaanteen aynu u dareenno farxadda ciidda, taasoo qeyb ka ah acmaasha wanaagsan ee Alle ina faray.
Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa ciidamada amaanka faray inay xoojiyaan nabadgelyada oo ay ka hortegaan cidkasta oo carqaladeynaysa, isagoo si gaar ah u tahniyadeeyay ciidamada Qaranka ee har iyo habeenba u taagan difaaca dalkeenna