Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed guusha cafinta deyntii lagu lahaa dalkeenna

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed guusha cafinta deyntii lagu lahaa dalkeenna
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dhammeystirka geeddiga Deyn Cafinta Soomaaliya ay tahay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed oo uu saarnaa culeyska lacag dhan $5.2Billion.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabad loogu dabaal-dagayey guushan weyn, ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka baxday liiska waddamada qaamaysan. taas oo horseedi doonta in dalkeenna iyo dadkeenna la aamino, isla markaana aan helno soo jiidashada maalgashadayaal caalami ah, Horumar dhaqaale, isku filnaansho amni, adeeg bulsho oo horumarsan iyo rajo u abuuridda dhallinyarada Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay in caawa ay ummadda Soomaaliyeed u tahay habeen guul ku suntan, maadaama laga cafiyey deyntii ka hortaagnayd dalka horumarka, taas oo ku timid shaqo adag oo ay soo qabteen dowladihii kala danbeeyey iyo dowladda maanta dalka hoggaamisa.

Mudane Xamsa ayaa uga mahadceliyey cid walba kaalintii ay ka soo qaadatay guusha Soomaaliya looga cafiyey deynta oo soo martay marxalado kala duwan, tan iyo laga soo bilaabo sanadkii 2013 oo ay Soomaaliya bilowday geeddigan ay ku dalbanayso in deynta looga cafiyo.

Xukuumadda Dan-Qaran ayuu Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay in ay xaqiijisay guulo-waaweyn oo ay kamid yihiin dagaalka Khawaarijta ee mid fikir, dhaqaale iyo ciidanba, Ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC), qaadista Cunaqabateynta hubka, iyadoo ay miiska saaran yihiin, xoreynta qeybaha dhimman ee dalkeenna, la wareegidda iyo hanashada amniga, bixidda ATMIS iyo qabyo-tirka Dastuurka KMG oo kamid ahaa wax yaabihii ay xukuumaddu horgeysay Baarlamaanka.

Munaasabadda dabaal-dagga guusha cafinta deyntii lagu lahaa Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, maamulka gobolka Banaadir, madaxda hey’adaha amniga, culima’udiinka iyo qeybaha bulshada, ayaa waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyey hey’adihii sida weyn uga soo shaqeeyey guusha caawa loo dabaal-dagay.

 

Previous Post

Soomaaliya oo u dabaaldegeysa guul taariikhi ah kaddib cafinta deyntii lagu lahaa dalkeenna

Next Post

Tababar ku saabsan Mabaadi’ida saxaafadda oo loo soo xiray suxufiyiin ka kala socday qeybaha Warbaahinta

Next Post
Tababar ku saabsan Mabaadi’ida saxaafadda oo loo soo xiray suxufiyiin ka kala socday qeybaha Warbaahinta

Tababar ku saabsan Mabaadi'ida saxaafadda oo loo soo xiray suxufiyiin ka kala socday qeybaha Warbaahinta

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

April 9, 2026
0

Madaxweynaha JFS, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii uu noqday garsoorihii...

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

April 9, 2026
0

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo ku saabsan isbeddellada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In