RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed munaasabadda 82-guurada aas-aaska ciidanka.
Wuxuu bogaadiyey doorka muhiimka ah ee Boolisku ka qaataan sugidda amniga, ilaalinta sharciga iyo u adeegidda bulshada, isagoo adkeeyey taageerada dowladda ee horumarinta iyo tayeynta ciidanka.











