Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga ah ee MEDays ee Boqortooyada Morooko, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay isku xirnaanta iyo iskaashiga dalalka ku yaalla Daanta Koonfureed ee Dunida (Global South).

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbaddiisa ku muujiyay marxaladda cusub ee ay Soomaaliya gashay, ayaa xusay in dalku qoreyso bog cusub oo taariikheed, isla markaana uu dib u hantay sumcaddii iyo mansabkii uu caalamka ku lahaa. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya maanta tahay dal xasilloon oo amnigiisa iyo siyaasaddiisa la isku halayn karo, isla markaana uu ka socdo dib-u-qaabeyn iyo dib-u-dhis miro dhal leh, taasoo u diyaarinaysa in ay kaalin muuqata ka qaadato degganaanshaha guud ee gobolka iyo adduunkaba.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii hadlayay ayaa yiri:
“Halkan uma aanan imaan annaga oo raadinayna samafal, ee waxaan u nimid annaga oo doonayna iskaashi, diyaar u ahna in aan aragtiyo biirinno, wax-is-weydaarsi sameyno, isla markaana aan ka qeybqaadanno xal u helidda caqabadaha jira.”

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in Afrika aysan sii ahaan karin daawade kaliya oo arrimaha adduunka dib uga daawata, balse ay tahay inay noqoto dalad firfircoon oo kaalin muuqata ku leh dejinta qorshayaasha mustaqbalka.

Shirka Madasha MEDays, oo socday muddo afar maalmood ah, ayaa xirmay iyadoo Soomaaliya sanadkan ka qaadatay kaalin hoggaamineed, laguna soo gabagabeeyay xiriirro iyo iskaashi ballaaran oo waxtar u leh danaha dhow iyo kuwa fog ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Next Post

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Next Post
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa casuumaad afur-sharafeed ah ku maamuusay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay...

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay  Dable NISA Mukhtaar Shakuur

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay Dable NISA Mukhtaar Shakuur

March 14, 2026
0

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka Marxuum Fatxi Cabdullahi Cabdi oo dhacay Taariikhdu markii ay aheyd Lix...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

March 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In