Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ku Dhawaaqay In La Kordhinayo Qoondada Hay’adda Naafada Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah ayaa sheegay in dowladda ay kordhinayso miisaaniyadda Hay’adda Naafada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay dareen gaar ah siineyso sidii wax loogu qaban lahaa dadka qaba baahiyaha gaarka ah, loona ilaalin lahaa xaquuqda asaasiga ah ee dhinacyada shaqo siinta iyo kor u qaadidda xirfadahooda.

Related posts

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

January 12, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026

“Dalkeenna waxa uu kaga duwan yahay dalalka kale ee caalamka tirada dadka ku naafooba qaraxyada iyo weerarrada arxan darrada ah ee Khawaarijta, taas oo aad u kordhisay tirada dadka Soomaaliyeed ee naafada ah, sidaas awgeed waa in ay isbarbar socdaan halganka dalka lagaga xoreynayo cadowgaas iyo wax u qabashada dadkeenna ay naafeeyeen.”

Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid ah dowladaha saxiixday Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka Naafada ah, taasoo muujinaysa mudnaanta sare ee la siinayo, si loo ilaaliyo xaqa ay ku leeyihiin dadka iyo dalka.

Previous Post

Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Maaliyadda

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo u hambalyeeyay Maamuulka Cusub Degmada Caabudwaaq Ee La Doortay

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo u hambalyeeyay Maamuulka Cusub Degmada Caabudwaaq Ee La Doortay

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

January 12, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa kulan fogaan-arag ah la...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si...

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

January 12, 2026
0

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka YH-da Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In