Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qaybgalaya shirka caalamiga ah ee madasha Tana Forum, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Bahir Dar ee shirku ka socdo Madaxweyne Ku Xigeenka Uganda, Jessica Alupo.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda.