Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Kulan La Qaatay Dhaqaatiirta Jabuuti “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Kulan La Qaatay Dhaqaatiirta Jabuuti “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Dhaqaatiir ka socday dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo Muqdisho u yimid sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinaayo dhaawacyada dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay xasuuqii kooxaha khawaarijta ah ay ka geysteen isgoyska KM5 29-kii bishii hore.

Dhaqaatiirta oo gaareysa 20, ayaa intii ay ku sugnaayeen Caasimadda Muqdisho, waxa ay ka qeyb-qaateen daaweynta iyo daryeelka dhaawacyada ku jira isbitaallada Muqdisho, iyagoo gacan siinaya dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhaqaatiirta, dowladda iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti taageeradooda hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed xiligan adag.

Mudane Xamse oo xusay doorkii muhiimka ahaa ee dowladda Jabuuti ay ka geysatay dowlad-dhiska Soomaaliya, ayaa ku ammaanay sida ay mar walba ugu taagan yihiin gacan qabashada ummadda Soomaaliyeed marxalad walba oo ay ku sugan yihiin.

Kulanka,ayaa waxaa ka qeyb galay Sii-hayaha Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed-Rashiid Ibraahim Yuusuf iyo Guddiga Qaranka ee Gurmadka Qaraxii KM5.

 






Tags: Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Kulan La Qaatay Dhaqaatiirta Jabuuti "SAWIRRO"
Previous Post

Wasiirka amniga Galmudug oo kormeeray furimaha dagaalka

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Gaaray Xuddur “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Gaaray Xuddur “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Gaaray Xuddur "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In