Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Kulan La Qaatay Dhaqaatiirta Jabuuti “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Kulan La Qaatay Dhaqaatiirta Jabuuti “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Dhaqaatiir ka socday dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo Muqdisho u yimid sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinaayo dhaawacyada dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay xasuuqii kooxaha khawaarijta ah ay ka geysteen isgoyska KM5 29-kii bishii hore.

Dhaqaatiirta oo gaareysa 20, ayaa intii ay ku sugnaayeen Caasimadda Muqdisho, waxa ay ka qeyb-qaateen daaweynta iyo daryeelka dhaawacyada ku jira isbitaallada Muqdisho, iyagoo gacan siinaya dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhaqaatiirta, dowladda iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti taageeradooda hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed xiligan adag.

Mudane Xamse oo xusay doorkii muhiimka ahaa ee dowladda Jabuuti ay ka geysatay dowlad-dhiska Soomaaliya, ayaa ku ammaanay sida ay mar walba ugu taagan yihiin gacan qabashada ummadda Soomaaliyeed marxalad walba oo ay ku sugan yihiin.

Kulanka,ayaa waxaa ka qeyb galay Sii-hayaha Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed-Rashiid Ibraahim Yuusuf iyo Guddiga Qaranka ee Gurmadka Qaraxii KM5.

Tags: Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Kulan La Qaatay Dhaqaatiirta Jabuuti "SAWIRRO"
Previous Post

Wasiirka amniga Galmudug oo kormeeray furimaha dagaalka

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Gaaray Xuddur “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Gaaray Xuddur “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Gaaray Xuddur "SAWIRRO"

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In