Monday, February 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka KMG ah

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka KMG ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka Kumeel Gaarka ah ah, ayaa tilmaamay muhiimadda uu dalka u leeyahay dhameystirka dastuurka.

Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka oo muddo dheer qabyo ah, ayaa Xukuumadda DanQaran mudnaan gaar ah u leedahay dhameystirkiisa, si uu dalku u yeesho dastuur sax oo heshiis lagu wada yahay.

Related posts

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

February 23, 2026
Safiirka Soomaaliya ee Australia oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo

February 23, 2026

Ra’iisul Wasaaaha ayaa tilmaamay in fadhiyada ugu horreeya ee Baarlamaanka qodobka ugu muhiimsan ee horyaalla uu yahay qabyo-tirka dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha oo is dul-taagay qodobo muhiim ah oo ku jira dastuurka KMG, kuwaas oo u baahan wada-xaajood siyaasadeed, ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay in ay dardargeliyaan howlaha horyaalla.

Mudane Xamse, ayaa sheegay in 5 kulan oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran looga heshiiyey qaar kamid ah qodobadii ugu muhiimsannaa ee dastuurku uu tilmaamayey, sida asteynta awooddaha Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Dowladaha hoose, Federaaleynta Garsoorka, qaab-dhismeedka Amniga Qaranka iyo Federaaleynta Maaliyadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse, ayaa xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista Dastuurka ku ammaanay sida ay durba uga howlgaleen mas’uuliyaddii loo igmaday, isla markaana ay soo dhameystireen habraacyadii muhiimka u ahaa shaqada guddiga.

Previous Post

Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Booliska oo lagu soo qabtay laba eedaysane 

Next Post

Guddoomiyaha G/Shacabka oo xafiiskiisa kulan ku la qaatay Safiirka Imaaraad-ka Carabta 

Next Post
Guddoomiyaha G/Shacabka oo xafiiskiisa kulan ku la qaatay Safiirka Imaaraad-ka Carabta 

Guddoomiyaha G/Shacabka oo xafiiskiisa kulan ku la qaatay Safiirka Imaaraad-ka Carabta 

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

February 23, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdiqaadir Cilmi ayaa guddoomiyay kulan la xiriira arrimaha adeegyada...

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo

February 23, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia Danjire Dr Faysal Axmed Salaad ayaa si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb

Wasiirka Hawlaha Guud XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb

February 23, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa si rasmi...

Taliyaha Qaybta Guud ee booliska oo guddoomiyey kulanka xoojinta Amniga Caasimadda

Taliyaha Qaybta Guud ee booliska oo guddoomiyey kulanka xoojinta Amniga Caasimadda

February 23, 2026
0

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo ay isugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In