Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa hoygiisa kulan mahadcelin ah ugu sameeyay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiga Joogtada ah.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay ugala shaqeeyeen Xukuumadda ansixinta shuruucda kaabaysa Dhaqaalaha, Amniga, Deyn-cafinta iyo Arrimaha Bulshada.