Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladdeenna “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse oo Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladdeenna “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada Amniga, La-dagaallanka Argagixisada, Waxbarashada, Arrimaha Bulshada iyo Bini’aadannimada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabad lagu sagootinayay Danjiraha sii baxaya ee Mareykanka Larry J. Andre oo ay dhammaatay hawshiisi diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweyneyaasha Dowlad Gobolleedyada Galmudug, Jubaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Mudanayaal ka tirsan goleyaasha Dowladda.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Mudane Xamsa ayaa sheegay in Dowladda Mareykanku ay muddo dheer Soomaaliya ka taageeraysay dowlad dhiska, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay Danjire Andre oo uu sheegay in uu yimid Soomaaliya, xilli adag oo ay dalka ka jireen caqabado amni, siyaasadeed iyo xaalado bini’aadanimo.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Danjiruhu uu door weyn  ka ciyaaray sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Mareykanka.

Dhankiisa, Danjire Andre ayaa ka mahadceliyay wadashaqeynta iyo soo dhaweyntii loogu sameeyay Soomaaliya intii uu ka hawlgalayay.

Previous Post

Ciidamada Ammaanka Puntland oo Maandooriyayaal ku burburiyay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post

Hay’adda SoDMA oo deeq raashiin ah u qeybisay qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Next Post
Hay’adda SoDMA oo deeq raashiin ah u qeybisay qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Hay’adda SoDMA oo deeq raashiin ah u qeybisay qoysas danyar ah "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In