Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub oo ay hoggaamineysay sarkaalka ugu sarreeya Afrika, Danjire Rita Laranjinha oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, xiriirka iyo wax wada qabsiga u dhaxeeya labada dhinac ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub.