Tuesday, August 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay  munaasabadda Ciidul Fidriga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay  munaasabadda Ciidul Fidriga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Shawaal.

Qoraal lagu daabacay bogga Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa u qornaa sidan:-

Related posts

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026

Waxaan hambalyada Ciid- al Fidriga 1444 ee sanadka Hijriga u dirayaa guud Ummadda Muslimiinta, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Waxaan Allaha awoodda badan leh waydiisanaynaa in uu inaga aqbalo soomkii, salaadihii, qur’aankii, sadaqadii, ducadii iyo dhammaan kheyrkii aan samaynay bisha barakeysan ee Ramadan, ciidan teeda xigtana inagu gaarsiiyo nabad, bashbash iyo barwaaqo.

Waxaan si gaar ah ugu hambalyaynayaa ciidamadeena kala duwan ee geesiyaasha ah ee — bacdallaahi — suurtagaliyay in magaalooyin badan oo dalka ka mid ah, 15 sano ka dib, si nabad ah oo xorriyad leh loogu afuro.

Waxaa xusid mudan, in shacabka Caasimadda Muqdisho waajibka soonka guteen iyaga oo aan ka cabsanaynin cadowga Khawaarijta, Ciyaalweero iyo  Calaqleey midkoodna.

Waxaan mar kale, hambalyo, ammaan iyo ducaba u dirayaa hay’adaheena amniga, booliiska, Nabad-sugidda, Asluubta iyo Milatariga ee hadh iyo habeenba u taagnaa sidii magaalada Muqdisho oo nabad ah loogu soomi lahaa.

Ugu dambayn, waxaan u mahad celinayaa shacabka Soomaaliyeed ee sida wanaagsan ula shaqeeyay hay’adaha amniga ee ayaga u shaqaynaya, kuna garab istaagay sidii ay amniga u sugi lahaayeen.

KUWADA CIIDA CAAFIMAAD!

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo kormeeray xerada Jeneraal Goordan

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay  munaasabadda Ciidul Fidriga

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay  munaasabadda Ciidul Fidriga

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026
0

Shirweynaha Xiriirinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay, iyadoo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan dhiiragelin iyo bogaadin ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In