Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse; “Waxaa muhiim ah in aan ka baxno duruufaha iyo maraxaladihii hore u jiray ee caqabadda ku ahaa dowladnimadeenna iyo horumarka dadkeenna”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse; “Waxaa muhiim ah in aan ka baxno duruufaha iyo maraxaladihii hore u jiray ee caqabadda ku ahaa dowladnimadeenna iyo horumarka dadkeenna”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray maalinta koowaad ee Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo uu maanta furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in la joogo xilligii la cusbooneysiin lahaa qaabka shaqo iyo hannaanka fulinta adeegyada dowladda, maadama ay ku saleysan yihiin duruufihii iyo agabkii burburka ka hor.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay qorsheyaasha horutabinta u leh dowladnimada Soomaaliya oo ay ugu horreyso sugidda amniga iyo dabargoynta argagixisada,maalgashiga, shaqo abuurka, xasilloonida siyaasadda, tiknaloojiyeynta shaqada Hay’adaha dowladda iyo kobcinta dhaqaalaha. Waxaana uu ku ammaanay Golaha Wasiirrada sida ay u xaqiijiyeen qorshaha sanadlaha ahaa ee Xukuumadda DanQaran 2023.

“Waxaan maanta halkaan u fadhinaa waa isbeddel in la helo, si loo xaqiijiyo isbeddelkaas waa in uu anaga naga bilowdaa oo natiijada isbeddelku ay idinka muuqataa”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey xubnaha Golaha Wasiirrada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay muhiimadda ay u leedahay Soomaaliya in ay ka dheegtaan walaalahooda reer Malaysiya hannaanka dowladnimada casriga ah, casharna ka bartaan jidka ay jeexeen iyo caqabadihii la gudboonaaday inta ay geeddigaas ku jireen.

Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo soconaysa muddo labo maalmood ah, ayaa waxaa qeyb ka ah dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada, khubaro caalami ah iyo Madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka warbixayay shirkii ugu soo gabagaboobay dalka Marocco 

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ku maqnaa tababarka Ereteriya

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ku maqnaa tababarka Ereteriya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ku maqnaa tababarka Ereteriya

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In