Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Lagu Soo Dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug “SAWIIRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Lagu Soo Dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug “SAWIIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo safar dhulka ah uga soo baxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug oo dhawaanahaan uu ku sugnaa ayaa galabta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay safarkiisa ku wehliyaan Wasiirro, Xildhibaanno, saraakiil ciidan, mas’uuliyiin kale iyo howl-wadeenno badan ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Dadwayne si aad ugu diyaar garoobay soo dhaweynta wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo, Xildhibaanno, Wasiirro, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale ayaa isugu yimid garoonka kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise halkaas oo Ra’iisul Wasaaruhu uu ka jeediyay khudbad uu uga hadlay socdaakiisa Galmudug ee loogu gogol xaarayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay, Nabad ah, kana shaqeysa danaha reer Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ayaa ammaan u jeediyay dhammaan mas’uuliyiintii waqtiga badan geliyay jiritaanka Galmudug, waxa uuna ka dalbaday bulshada Gaalkacyo in si wadajir ah ay dowrkooda uga qaataan adkeynta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale sheegay in socdaalkiisa Gaalkacyo ay qayb ka tahay horumarinta iyo u dhammaystiro agabka ka dhiman ciidanka ku sugan magaalada ee ka shaqeeya nabadeynta iyo amniga.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Galmudug ku sugnaa 15 maalin oo xariir ah ayaa intii uu ku jiray socdaalka lagu baadi goobayo dhismaha Galmudug dhinac kasta ka dhamaystiran, waxa uu kulamo wadatashi ah la yeeshay dhammaan qaybaha bulshada ku sugan deegaannadii uu soo maray, waxaana laga gaaray guulo waawayn oo qayb ka qaadayana xaqiijinta himilooyinka reer Galmudug.

Adkeynta taariikhda dowlad gobaleedka Galmudug waxa uu mahadceliyay mas’uuliyiintii Galmusug oo uu sheegay in wax badan ay qabteen hase yeeshee wali loo baahanyahay in la dhammaystiro.

 

Previous Post

Dhallinyarada sameyneysa howlaha shaqo abuurka ah oo soo badanaya “SAWIRRO”

Next Post

Agaasimaha Madaxtooyada oo la kulmay hawlwadeennada Barnaamijka Aqoonsiga Qaran iyo Xarunta Korjoogteynta Maaliyadda “SAWIRRO”

Next Post
Agaasimaha Madaxtooyada oo la kulmay hawlwadeennada Barnaamijka Aqoonsiga Qaran iyo Xarunta Korjoogteynta Maaliyadda “SAWIRRO”

Agaasimaha Madaxtooyada oo la kulmay hawlwadeennada Barnaamijka Aqoonsiga Qaran iyo Xarunta Korjoogteynta Maaliyadda "SAWIRRO"

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In