Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Lagu Soo Dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug “SAWIIRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Lagu Soo Dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug “SAWIIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo safar dhulka ah uga soo baxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug oo dhawaanahaan uu ku sugnaa ayaa galabta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay safarkiisa ku wehliyaan Wasiirro, Xildhibaanno, saraakiil ciidan, mas’uuliyiin kale iyo howl-wadeenno badan ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Dadwayne si aad ugu diyaar garoobay soo dhaweynta wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo, Xildhibaanno, Wasiirro, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale ayaa isugu yimid garoonka kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise halkaas oo Ra’iisul Wasaaruhu uu ka jeediyay khudbad uu uga hadlay socdaakiisa Galmudug ee loogu gogol xaarayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay, Nabad ah, kana shaqeysa danaha reer Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ayaa ammaan u jeediyay dhammaan mas’uuliyiintii waqtiga badan geliyay jiritaanka Galmudug, waxa uuna ka dalbaday bulshada Gaalkacyo in si wadajir ah ay dowrkooda uga qaataan adkeynta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale sheegay in socdaalkiisa Gaalkacyo ay qayb ka tahay horumarinta iyo u dhammaystiro agabka ka dhiman ciidanka ku sugan magaalada ee ka shaqeeya nabadeynta iyo amniga.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Galmudug ku sugnaa 15 maalin oo xariir ah ayaa intii uu ku jiray socdaalka lagu baadi goobayo dhismaha Galmudug dhinac kasta ka dhamaystiran, waxa uu kulamo wadatashi ah la yeeshay dhammaan qaybaha bulshada ku sugan deegaannadii uu soo maray, waxaana laga gaaray guulo waawayn oo qayb ka qaadayana xaqiijinta himilooyinka reer Galmudug.

Adkeynta taariikhda dowlad gobaleedka Galmudug waxa uu mahadceliyay mas’uuliyiintii Galmusug oo uu sheegay in wax badan ay qabteen hase yeeshee wali loo baahanyahay in la dhammaystiro.

 

Previous Post

Dhallinyarada sameyneysa howlaha shaqo abuurka ah oo soo badanaya “SAWIRRO”

Next Post

Agaasimaha Madaxtooyada oo la kulmay hawlwadeennada Barnaamijka Aqoonsiga Qaran iyo Xarunta Korjoogteynta Maaliyadda “SAWIRRO”

Next Post
Agaasimaha Madaxtooyada oo la kulmay hawlwadeennada Barnaamijka Aqoonsiga Qaran iyo Xarunta Korjoogteynta Maaliyadda “SAWIRRO”

Agaasimaha Madaxtooyada oo la kulmay hawlwadeennada Barnaamijka Aqoonsiga Qaran iyo Xarunta Korjoogteynta Maaliyadda "SAWIRRO"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In