Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasare Cumar Cabdirashiid: shirkii Belgium waxa uu ku soo idlaaday guul+Dhageyso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Ra’iisul Wasare Cumar Cabdirashiid: shirkii Belgium waxa uu ku soo idlaaday guul+Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayay oo dalka Belgium uga qeyb galay shir lacago loogu yaboohayay Qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya degan, isla markaana dib dalka ugu soo laabtay ayaa tilmaamay in shirka uu ku soo idlaaday guul, qaxootigana looguy yaboohay boqol milyan oo doolar, si dib loogu soo celiyo dalkooda.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka, isaga oo ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa xusay in lacagta boqolka milyan ay qeyb ka tahay shan boqol oo milyan oo loogu talagalay in muddo afar sano ah lagu soo uruurriyo, si qaxootiga ku sugan xeryaha dhadhaab dalkooda loogu soo celin lahaa iyaga oo nabdoon.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa hoosta ka xariiqay in sanad iyo bar ka hor ay dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNCHR ay wada saxiixdeen heshiis saddex geesood ah, kaasi oo saabsanaa in qaxootiga doonaya in dalkooda ay ku soo laabtaan laga caawiyo wixii ay ku soo laaban lahaayeen, isagoo intaa ku daray in dowladdu ay diyaarineyso meelihii qaxootiga soo laabanaya la dajin lahaa.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/10/Raiisul-Wasaare-Cumar-Cabdirahiid-24.10.2015.mp3

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “Sawirro”

Next Post
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “Sawirro”

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay "Sawirro"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In