Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul-wsaaraha: Al-Shabab waxay doonayaan inay shacabka niyad jabiyaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey dilkii loo gaystay Saciid oo kamid ahaa Shaqaalaha xafiiska RW
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul-wsaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa sheegay in qaraxyada iyo falalka la midka ah ee ay Al-Shabaab ka fulinayaan dalka ay uga gol leeyihiin inay dadka Soomaaliyeed ka hor istaagaan inay dib u soo ceshadaan dowladnimadooda iyo nabaddooda, kaddib muddo dheer oo uu dalku dagaallo ku jiray.

Shir uu saxaafadda u qabtay ayuu ku sheegay Ra’iisul wasaruhu in tallaabo kasta oo ay kooxdu qaaddo ay cabaqad ku tahay hannaanka nabadeed iyo  dadaalka ay dadka Soomaaliyeed ugu jiraan inay dalkooda dhibaatada ka saaraan, ayadoo kooxdu ay dileyso dadka horumuudka u ah dadaalkaas, isla markaana abuureysa jawi argagax iyo niyad jab leh.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

“Waxa lala beegsanayo hoteellada iyo dadka Soomaaliyeed, waa wax la rabo niyad jab in lagu rido dadka Soomaaliyeed ee rajadu gashay” ayuu yiri Raiisul-waaaruhu.

Hay’adaha ammaanka ayuu sheegay Ra’iisul-wsaarahau inay si joogto ah u wadaan howl-gallo ammaanka lagu sugayo, qaraxyada ay kooxda argagixisada ahi ka geysanayso waddanka ay yihiin kuwo  ka yar inta ay qorsheyaan, maaddaama si joogto ah ay ciidanku uga hortagaan falalka argagixiso ee kooxdan.

“Runtii maalin kasta falalka noocaas ah, waxyaabo badan oo ay ciidanku ka hortagaan ayaa jira oo aysan ciidammadu dadka la wadaagin, waad ogtihiin soonkii hore dhibaatadii dhacday ma aysan dhicin soonkaan, dadaalka ciidammada ayay ku timid, dadkana waxaan ka doonaynaa inay nala shaqeeyaan” ayuu yiri.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Axaddii weerar is-miidaamin ah oo ay u adeegsadeen gaari ku qaaday hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen 13 qof, dad kale oo badana ay ku dhaawacmeen. Weerarkaan iyo kuwo la mid ah ayay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ka geystaan goobo badan oo ka mid ah  dalalka bariga Afrika.

Previous Post

Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtey Muqdisho, kadib socdaal uu ku tegey Kismaayo

Next Post

Wasaaradda maaliyadda oo sheegtay in dakhliga gudaha uu kordhay laba laab

Next Post
Wasaaradda maaliyadda oo sheegtay in dakhliga gudaha uu kordhay laba laab

Wasaaradda maaliyadda oo sheegtay in dakhliga gudaha uu kordhay laba laab

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In