Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka oo soo booqday xarunta wasaaradda warfaafinta-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka oo soo booqday xarunta wasaaradda warfaafinta-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisulwasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo maalintii labaad ku gudaha jira kormeer uu ugu kuurgalayo sida ay u socoto shaqada wasaaraha dowladda ayaa maanta soo kormeerey xarunta wasaaradda warfaafinta dalka.

Mudane Maxamed Cumar Carte Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka ayaa kormeerey qeybaha ay wasaaraddu ka kooban tahay sida xafiisyada kala duwan iyo qeybaha kale sida qeybta Tvga qaranka, Radio Muqdish,keydka iyo xafiisyada ay howlwadeenada warbaahinta qaranka ku shaqeeyaan.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Kormeerkan ayaa intii uu ku guda Ra’iisulwasaare ku xigeenka waxaa ku wehliyay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, wasiiro dowlaha, wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda iyo qaar kamid ah agaasimiyaasha waaxyada wasaaradda.

Mudane Maxamuud Cabdi Xasan “ Beegoos” wasiiro dowlaha wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda Soomaaliya ayaa Ra’iisulwasaare ku xigeenka ugu warbixiyay shaqooyinka kala duwan oo ka socoda wasaaradda, isagoo sheegay in shaqaalaha wasaaradda warfaafinta ay yihiin kuwo shaqeeya waqti ka badan shaqaalaha kale ee wasaaradaha dowladda.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in kormeerkan uu qeyb ka ahaa kormeer uu ku sameeyay wasaaradaha dowladda Soomaaliya isla markaana ugu kuurgalayay sida ay u socoto shaqada wasaaradaha xukuumadda dalka.

Mudane Carte ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradaha uu kormeerey ay kamid ahaayeen wasaaradaha Kalluumeysiga, Haweenka, arimaha gudaha, wasaaradda warfaafinta iyo kuwo kale, isagoo bogaadiyay sida ay u socoto shaqada wasaaradaha uu kormeerey.

DSC03641 DSC03642 DSC03647 DSC03649 DSC03650 DSC03651 DSC03652 DSC03655 DSC03657 DSC03660 DSC03670 DSC03677 DSC03679 DSC03680 DSC03682 DSC03683  DSC03697 DSC03704 DSC03705 DSC03706 DSC03708 DSC03709 DSC03711   DSC03720 DSC03723 DSC03727 DSC03729 DSC03731 DSC03735 DSC03742 DSC03747 DSC03750 DSC03751 DSC03752 DSC03756  DSC03760 DSC03761   DSC03768  DSC03773  DSC03787 DSC03793

Sawir Qaade: Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Kaalinta saxaafadda ay ku leedahay kor u qaadida caafimaadka hooyada iyo dhallaanka-Sawirro

Next Post

Hey’ad Talyaani ah oo Jubaland ka caawin doonto waxbarashad

Next Post
Saaxiibada caalamka oo soo dhoweeyay daahfurka hanaanka dhisidda Barlamaan gobolleedka  Jubba

Hey’ad Talyaani ah oo Jubaland ka caawin doonto waxbarashad

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In