Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’isal Wasaare Ku-xigeenkii hore oo ka qeyb galay kulan lagu taageerayay dhammeystirka Dastuurka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Ra’isal Wasaare Ku-xigeenkii hore oo ka qeyb galay kulan lagu taageerayay dhammeystirka Dastuurka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga hadlayay geedi-socodka dhammeystirka Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya oo ay soo qaban qaabiyeen Ra’iisal Wasaare ku-xigeenkii hore ee dalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo hoggaanka ardayda Qaanuunka Jaamacadaha Muqdisho ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo sidoo kale, kulanka su’aalo la xiriira arrimaha Dastuurka lagu weydiiyay Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenkii hore ee dalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa marka hore sharaxaad ka bixiyay muhiimadda dhammeystirka Dastuurka iyo cutubka 4-aad oo ay ka doodistiisu wadaan Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.

Related posts

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025

”Cutubka 4-aad, oo matalaadda shacabka ama nidaamka madaxtooyada miyeynu qaadanaa kii Baarlamaaniga ahaa ee ninka odaygu ahi baqashu ku micneeyay miyaa ku sii joognaa mise nidaam madaxtooyo oo madaxweyne iyo ku-xigeen aynu qaadanaa, nooca doorashada ma waxaynu ka dhignaa ( single constituency) oo habka liistada xiran ah ama ama habka liistada furan waa dood kale, xisbiyada siyaasadda saddex goor beyni soo marnay, mid waa taa aan iri 1960-96 oo 86-xisbi siyaasadeed, nin iyo xaaskiisa subaxii inta ay iska soo kacaan ayay xisbi ku dhawaaqi jireen,”.

Qaar ka mid ah dhallinyarada aqoonyahanada ah ee ka soo qeyb galay kulanka ayaa su’aalo ku saabsan dhammeystirka Dastuurka weydiiyay Ra’iisal wasaare ku-xigeenkii hore ee dalka.

”Haddii Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen la aado, maxaa xigi doonaa mala sameeyay qiimeyn?. Qodobo waxaa jira ay aad baarlamaanka u diidan yihiin in Dastuurka lagu daro oo ay ka mid tahay qofna looma aabo-yeelayo xasaanad fal-dambiyeed uu galay inuu kaga baxsado oo doodda ugu badan ay ka dhallatay, haddii Baarlamaanka saddex boqol iyo tiradaas dhammaan isku raacaan in qodobkaas laga saaro matalaaddii shacabka ama dadweynihii marka afti laga qaado ay codsadaan in qodobkaas in qodobkaas lagu soo daro labadaas kee la cuskanaa oo la ictimaadi doonaa? ayaa ka mid ah su’aalihii la weydiiyay Xildhibaan Mahdi.

Intaas ka dib, Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen ardayda ka soo qeyb gashay kulanka.

Previous Post

Baarlamaanka oo maanta soo afmeeraya dooda Cutubka Afraad ee Dastuurka

Next Post

Dooda Cutubka 4-aad ee dib-u-eegista Dastuurka oo maanta la soo Gabagabeeyay “SAWIRRO”

Next Post
Dooda Cutubka 4-aad ee dib-u-eegista Dastuurka oo maanta la soo Gabagabeeyay “SAWIRRO”

Dooda Cutubka 4-aad ee dib-u-eegista Dastuurka oo maanta la soo Gabagabeeyay “SAWIRRO”

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
0

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisa afaraad, iyadoo maanta lagu soo bandhigay dood...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025
0

War-saxaafadeedka.   Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In