Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay tababar ugu soo xiray ciidan ka tirsan boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa daraawiishta ee maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya oo tiradoodu ahayd 350 askari oo dufcada labaada ah islamarkaana halkaasi tababar ugu socday mudooyinkii ugu dambeeyay.
Munaasabaddii xirtaanka tababarkani ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Sooomaaliya, madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.
Ra’isul wasaaraha oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa ku ammaanay ciidamadaasi sida tababarka ay uga faa’ideysteen, waxaana uu u balanqaaday in dhawaan Xukuumadda ay u soo dhameystiri doonto agabka ciidan ee ay u baahanyihiin, waxaana ciidamada Amisom uu ku ammaanay sida mar walbo ay u garab taaganyihiin Ciidamada Qalabka Sida iyo sida quruxda badan ay u tababarayaan.
Dhinaca Kale Ra’isul Wasaaraha iyo madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa kormeeray xaruumo Dowladda Imaaraadka Carabta ay ka fulineyso mashaariicyo horumarineed oo qaarkood la fuliyay, iyadoo Ra’isul wasaaraha uu ammaanay dadaaladaasi dib loogu dhisayo xaruumaha danta guud.