Saturday, March 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Raisul Wasaaraha Xukuumada oo shacabka ugu baaqay inay u midoobaan la dagaalka argagixisada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Raisul Wasaaraha Xukuumada oo shacabka ugu baaqay inay u midoobaan la dagaalka argagixisada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxa uu si kulul u cambaareeyey weerarkii bahalnimada ahaa ee xalay fiidkii lagu qaaday Maqaaxi ku taala Xeebta Liido, isaga oo mar kale ku celiyay in falalka argagixiso ee noocan ahi aysan hakin doonin geedi socodka nabadda iyo dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarada ceykan oo kale ah ee lagu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ay soo gaabinayaan cimriga kooxaha nabad-diidka ah ee gumaadka ku haya dadka Soomaaliyeed, waxaana uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay hal meel uga soo wada jeestaan la dagaalanka dadka caadeystay daadinta dhiiga birimageydada.

Related posts

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026

“Waxaa xaqiiqo ah in weeraradan qorshaysan ee argagixiso ay ka dambeyso kuwo arxan daran oo cadow ku ah Qaranimada iyo horumarka dalka, waxaanse u sheegaynaa inaysan caqabad kusii ahaan doonin ummadeena, illaahay idankiisna aan ka guulaysan doono”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehellada dadkii qiimaha badnaa ee naftoodu ku waayey weerarkii argagixiso ee Baar Liido, kuwa dhaawaca ahna waxaan alle uga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo”.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ku ammaanay Ciidamadda Ammaanka sida dhiiran ee ay u soo bad-baadiyeen dadkii faraha badnaa ee argagixisadu go’doomiyeen oo ay ku jireen caruurta iyo haweenka.

Previous Post

Madaxweynaha: “Koox yar oo ka been sheegeysa diinta Islaamka ma burburin karto rajada shacabkeena oo ah nabad iyo barwaaqo inay ku noolaadaan’’

Next Post

Guddoomiyaha Jawari Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Jawari Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Jawari Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq “SAWIRRO”

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden, Cabdikarin Axmed Maxamed, ayaa toddobaadkan waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb....

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026 Read here..... 1- President Hassan Sheikh Mohamud...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul Ftriga kula tukadey degaanka Gendershe Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo...

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In