Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’isul Wasaare Cumar:-“Guddi Soo Qiimeeya Cabashada Jubbaland Ayaa La Magacaabayaa” “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Ra’isul Wasaare Cumar:-“Guddi Soo Qiimeeya Cabashada Jubbaland Ayaa La Magacaabayaa” “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke oo shalay booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubaland ayaa dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho, waxana garoonka ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan labada golle, Saraakiisha Ciidanka, iyo dadweyne kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo saxaafada kula hadlay garoonka ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxda Jubaland iyo qaabka ugu hoboon ee loo xalin karo tabashooyinka ay ka qabanaa baarlamaanka cusub ee Jubaland qaar ka mid ah dadka deegaanku.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Maamulka Jubaland si wanaagsan ayeey noo soo dhaweyeen, waaxana isla gaarnay is afgarad, kaas oo uu faafaahiyey Wasiiru Dowlaha Warfaafinta. Jubaland iyo dowlada federaalka waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, waxyaalaha hada cabashadu ka jirtana waxay xukuumadu u saaraysaa guddi la fariista dadka cabanaya iyo maamulka Jubaland, waxaana rajo ka qabaa in arrimuhu u xalismayaan si dhaqso ah  hadii Alle Idm”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka Jubaland ay isku soo qaadeen arrimaha dastuurka iyo dhamaystirka higsiga 2016

“Maamulka Jubaland waxaan iska xog waraysanay halka ay marayso isku dhafkii ciidanka iyo diyaarinta ciidankii loo qoondeeyey iney ka mid noqdaan ciidamada qaran ee hada uu socdo asaaskooda, waxaa kale oo isla soo qaadnay arrimaha dastuurka oo u dub dhexaad u ah in dalkaan la gaarisiiyo higsiga 2016” ayuu yiir markale RW Cumar

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyey sida diiran ay u soo dhaweeyeen Maamulka iyo Shacabka reer Jubaland, Wuxuuna ku timaamay in safakaas ahaa mid guul ku soo idlaaday.

—DHAMAAD—

IMG_4676 IMG_4679 IMG_4680 IMG_4682 IMG_4685 IMG_4686 IMG_4687 IMG_4691 IMG_4702 IMG_4704 IMG_4706 IMG_4708 IMG_4712

Previous Post

Madaxweyne Xasan Oo Kaga Qeyb Galaya Abuuja Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub Ee Nigeria

Next Post

Maareeye: “Si loo horumariyo Warbaahinta Soomaaliya waxaan u fuuleynaa geed dheer iyo geed gaaban” “SAWIRRO”

Next Post
Maareeye: “Si loo horumariyo Warbaahinta Soomaaliya waxaan u fuuleynaa geed dheer iyo geed gaaban” “SAWIRRO”

Maareeye: “Si loo horumariyo Warbaahinta Soomaaliya waxaan u fuuleynaa geed dheer iyo geed gaaban” "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In