Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Xukuumada Cusub ee Soomaaliya ayaa Shaaciyey in ay muhiim tahay in la diyaariyo Shuruuc qexeyso sida ugu haboon ee Kheyraadka Dalka looga wada faa’ideysan Karo.
Mudane Mahdiย Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in ay dejinayaan qorsho kala Xadeeyo Dowlad Goboleedyada Iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya asaga oo sheegay in cid walbo Xaq ay leedahay uu noqon doono Mid cad oo aan mugdi ku jirin.
“Madaam uu dalka uu qaatay ย Federaal waxaa qasab ah in la dejiyo Shuruuc qeexeysa sida loo qeybsan lahaa Kheyraadka waana muhiim in lakala ogaado maxay Dowlad goboleedyada Xaq uleeyihiin Maxayse Dowladda Dhaxe Xaq u leedahay” waxa ay ka mid ahayd hadalada Mudane Mahdiย Maxamed Guuleed Khadar.
Ra’isul wasaare Ku xigeenka ayaa sheegay in xukuumadda Cusub ay xoog saari doonto sida ay u dajin lahayd shuruucdii kala xadeyn lahayd dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhaxe asaga oo xusay in ay la kaashan doonaan khuburo calaami ah , ayagoo tusaalo ka dhigan doono dowladaha horay u qaatay Nidaamkan