Ra’isul wasaare ku xigeenka xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah furay Munaasabad lagu xusayo maalinta Nabadda Adduunka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta.
Hal ku dhiga munaasabadda ayaa ah sanadkan loo qaatay “Jooji heybsooca, horumari nabadda”.
Munaasabadda waxaa ka qeygalaya wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi, ku xigeenka mudane Cabdixakiim Ashkir, Ergeyga UN-ka ee Soomaaliya James Swan, sqaar kamid ah afiirrada dalalka caalamka u jooga dalka, mas’uuliyiin mataleysa dowlad goboleedyada, maamulka gobalka banaadir, Ururada Bulshada rayidka iyo Ururka Haweenka.