Waxaa maanta Kulan balaadhan ku yeeshay magaalada Nairobi Raysal Wasaaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxwayne ku xigeenka dalkani kenya William Ruttu .
kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka arimaha dibada ee dalka soomaaliya Cabdisalaan Cumar hadliye iyo Wasiirada Arimaha Dibada ee Kenya Amb Aamiina Maxamed Jibriil, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Kenya iyo qunsulka safaarada soomaalida ee dalka kenya Siyaad Maxamuud Shire .
waxaana kulankan lagaga wada hadlay sidii laysooga kaashan lahaa kahortaga falalka argaggixisada ee ka dhaca dalalka soomaaliya iyo kenya, dib ucelinta qaxoontiga soomaalida ee kusugan dalka kenya iyo sidii xayiraada looga qaadi lahaa xawaaladaha soomaalida ee ka hawlgala dalkani kenya .
Wasiirka arimaha dibada Ee Soomaaliya mudane Cabdisalaan Cumar hadliye oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laysku afgartay dhamaan ajandayaashii laga waada hadlay maanta waxaana lafilayaa in dhawaan la dhaqan galiyo dhamaan hishiisyadaasi.
Waxaana Go,aamadii dhaxalgalka aha ae e kasoo baxay kulankan maanta kamid ahaa in dib loo eego mudadii 90 Maalmood ahayd ee dawlada kenya ay u qabatay in qaxoontiga soomaalida dib loogu celiyo gudaha dalka soomaaliya .