Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Raysul Wasaare Khayre oo qadka telefoonka uga qayb galay xaflad lagu taageerayay oo Suudaan ka dhacday ”SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Raysul Wasaare Khayre oo qadka telefoonka uga qayb galay xaflad lagu taageerayay oo Suudaan ka dhacday ”SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladdan oo ay soo abaabuleen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan ayaa waxaa kasoo qayb galay boqolaal isugu jira arday, iyo jaaliyad kuwaas oo muujiyay  xafladda inta ay socotay in taageersan yihiin Raysul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale xafladaas ayaa waxaa kasoo qayb galay Diblumaasiyiin ka socday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo ay ka mid ahaayeen Lataliyaha koowaad Abukar Boston, Fiidow Maxamuud Fiidow Uqaybsanaha Warfaafinta iyo Agaasimaha Waaxda Baasaboorada ee Safaaradda Cabdulaahi Sheekh Cabdisamad Ibraahin.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Xafladda inta ay socotay ayaa waxaa ka hadlay Xoghaya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan Cabdiwali Xasan Xuseen Fadiilatu isagoo sheegay in wadankii horumar wayn ku tilaabsaday isla markaana la gaaray xiligii ay wadanka horkacayeen raggii loo baahnaa.

Fadiilatu ayaa yiri ” Xafladda waxaa hal ku dhig uga dhignay dib u dhis iyo dib u hishiiseen waa tiirka dowladeena, sidaa darteed muwaadin qoriga dhig qalinka qaado Khayre taageer ”

Waxaa munaasabadaas ka hadlay mas’uuliyiin matalayay Safaaradda , Ururada Ardayda, Haweenka, Dhalinyarada iyo Odayaal Soomaaliyeed kuwaas oo dhamaan taageero u muujiyay raysul Wasaaraha uguna duceeyay in xilkaas Illaah ku asturo oo ku guuleeyo.

Raysul Wasaaraha oo qatka telefoonka ugala hadlay dadwaynihii halkaas joogay ayaa uga mahadceliyay is xilqaanka iyo taageerada ay u muujiyeen Soomaalida Suudaan ku dhaqan, midaas uu raysul wasaaraha ku tilmaamay in ay tahay taageeridda dimuqaraadiyad iyo isxisaabid toos ah oo wadanka ka curatay

Raysul Wasaare Khayre ayaa intaa sii raaciyay in wadanka xiligan abaaro ka jiraan loona baahan yahay in Ardayda Jaaliyadda Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan ay kacaan ayna gacan ka geystaan abaabulka socda ee gurmadka ah ayna la xishoon waxii ay awoodaan , kii aan wax awoodina in uu duco ku taageero.

Xaflado badan oo lagu taageerayo Raysul Wasaare Khayre ayaa ka kala dhacay wadamo badan oo aduunka ku kala yaala.

Previous Post

R/wasaare Xasan Kheyre oo Dad weyne Badan la dukaday Salaad Roob Doon ah (SAWIRRO)

Next Post

Mudanayaasha aqalka sare oo maanta kulmay

Next Post

Mudanayaasha aqalka sare oo maanta kulmay

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In