Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa maanta deeq lacag ah oo logu talagalay dadka abaaraha ay ku dhufteyn ku wareejiyey guddiga Qaranka ee gurmadka abaaraha.
Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa maanta oo Khamiis ah deeq lacag ah oo gareeysa 37kun iyo Boqool Doollar waxa ay ku wareejiyen guddiga Qaranka ee gurmadka Abaaraha, waxaana goobjoog ka ahaa kulankaas wakiilo ka kala soocady mamuullada dalka sida Jubaland, Konfuur galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug si ay ula socdan lacagahan iyo hanaanka lagu qeybinayo gobollada ay ku dhufteen abaaraha.
Guddoomiyaha Rugta ganasiga Soomaaliyeed Maxamed Cabdikriin Gabeyre ayaa sheegay in lacagtan iska soo ururiyeen ganacsatada Soomaaliyeed ku nool dalka iyo wadanka Kenya, isago ugu baaqay ganacsatada kale in ay u gurmadan walalood ku dhibateysan gobollada dalka oo abaaraha ay saameeyeen.
Guddoomiye ku xigeenka gudiga gurmadka Abaarah Sheekh Nuur Baruud ayaa uga mahada celiyay Rugta ganacsiga iyo ganacsatadii iska soo ururisay lacaghan, waxaan uu sheegay in xoogga la saaro sidii gurmad xoogan logu fidinlaha dadka ay abaartu saameeysay.
Si kataba, waxaa socda dedaalo ay wadaan hey’addaha caalamiga iyo dowladda iyo maamul goballeedyada oo ku aadan sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka abaaruhu ay saameeyeen, iyadoo todobaadkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhawaaqay xaalad musiibo qaran oo dalka ka jirta.