Wednesday, April 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Ruushka Oo Reebay Spain + Sawiro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Ciyaaraha
0
Ruushka Oo Reebay Spain + Sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dalalka Ruushka iyo Spain ayaa ciyaaray kulankii 3-aad ee wareega 16-ka kulan xiiso badnaa oo ka dhacay magalada Moscow iyo Luzhniki Stadium ayaa waxaa dardar ku soo gashay Spain.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Ruushka waxaa uu ciyaarta ku soo galay qaab ciyareed ka sameysanaa difaac halka Spain ay ku wanaagsaneyd dhanka kubad haysashada balse kuma guuleysan in Spain ay sameyso in ka badan 2 bartilmameed oo midkood uu ahaa gool uu iska dhaliyay difaaca dalka ruushka.

Rusia oo sidoo kale sameysay laba fursad qaybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa u suurta gashay  rigooro loo dhigay in uu gool u badalay Dzyuba oo weerarka ugu ciyaarayay ruushka waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 1-1 balse Spain ayaa looga wanaagsanaa dhanka tageerayaasha maadama uu la ciyaarayo dalka koobka marti gelinaya ee Rusia kaasi oo ay xaadir ku ahayeen tageerayaashiisa garoonka iyo hareerahiisa ayadoo sidoo kale ay buux dhaafiyeen shaashadaha ku xiran wadooyinka iyo waliba wadooyinka garoonka soo gala waxaana garoonka banankiisa taagna in ka badan kuwa garoonka sida tooska ah ugu daawanayay ciyaarta.

Qaybtii danbe oo la isku soo laabtay ayeey ahayd sidii ay ciyaarta ku bilaabatay Spain oo kubada haysatay iyi Rusia oo difaac ku jirtay waxaana sidaasi lagu kala tagay 1-1 shagaashan daqiiqo oo la is hortagnaa ayadoo Spain ay sameysay baasaskii ugu badnaa oo dal uu sameeyo tan iyo markii la bilaabay koobka aduunka ee sanadkaan ka socda dalka Ruushka ayadoo sidoo kale kulankaan uu noqon doono kii ugu horeyay ee lagu daro 30-daqiiqo oo kala bax ah horey laba kulan oo la soo ciyaaray waxaa lagu kala baxay waqtigii caadiga ahaa.

Sodonkii daqiiqo ee lagu daray waxaa lagu kala nastay isla natiijadii ciyaarta ee ahayd 1-1 Shan iyo tobankii danbe oo la isku soo laabtay sidoo kale ayaa la isku mari waaye waxaana ugu danbeyntii lagu kala baxay rigoorayaal sida sharciga ah 3-4 ayaa lagu kala baxay ugu danbeyntii Rusia ayaana u gudubtay wareega 8-da

Sergei Ignashevich oo ahaa difaaca ruushka ee goolka iska dhaliyay ayaa rikoor cusub ku sameeyay koobka aduunka ee haatan ka socda dalkiisa hooyo ee ruushka waxaana uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee koobka aduunka gool iska dhaliya waxaana da’diisu ay tahay  38 sano 352 maalin ayadoo sidoo kale dalkiisa ruushka uu noqday dalkii ugu horeyay eel aba gool iska dhaliya koobka aduunka tan iyo sanadkii 1966 xiligaasi oo Bulgaria sidaan oo kale ay ku dhacday

Spain wali kama guuleysan koobka aduunka dal marti gelinaya koobka Talyaaniga oo laba jeer ay la ciyareen 1938 waa ay ku guul dareysteen halka Brazil oo ay la ciyareen 1950 ay sidoo kale ay ku guuldareysteen in ay ka adkaadan iyo Korea oo ay garaaci waayen sanadkii 2002 xiligaasi oo Korea iyo Jaban ay si wada jir ah ay u marti geliyeen koobka aduunka haatan waa markii afaraad oo Spain ay ku guuldareysato in ay ka adkaato dal marti gelinaya koobka aduunka.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo kormeeray goob adeeg caafimaad si bilaash ah loogu sameynayo dadka danyarta ah+Sawirro

Next Post

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii Hoobiyaasha ee ka dhacay degmada Wadajir

Next Post
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii Hoobiyaasha ee ka dhacay degmada Wadajir

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii Hoobiyaasha ee ka dhacay degmada Wadajir

Koofur galbeed, albaabka Iftiinka Dimuquraadiyadda. 

Koofur galbeed, albaabka Iftiinka Dimuquraadiyadda. 

April 29, 2026
0

koofurgalbeed, waxaa ka socda hardan dimuquraadi ah oo aad u xoog badan kaas oo ay ku baratamayaan dhamaan daneeyayaasha Doorashooyinka...

Hogaamiye Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay

Hogaamiye Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay

April 29, 2026
0

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku...

MARWADA MADAXWEYNAHA JFS OO DEEGAANKA JAZIIRA  QADO UGU SAMEEYSAY  CARRUUR AGOON AH OO AY GACANTA KU HAYSO

MARWADA MADAXWEYNAHA JFS OO DEEGAANKA JAZIIRA QADO UGU SAMEEYSAY CARRUUR AGOON AH OO AY GACANTA KU HAYSO

April 28, 2026
0

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sahro Cumar Xasan ayaa maanta booqasho ku tagtay deegaanka Jaziira, halkaas oo ay qado ugu...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

April 28, 2026
0

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In