Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW Cabdiwali oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan hore Liibaan, una rajeyey caafimaad Xildhibaan Mayow Mustafe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 04, Dec, 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa cambaareeyay weerarkii foosha xumaa ee kooxaha Argagixisadu saaka ku dileen allaha u naxariistee Xildhibaan Hore Liibaan cabdullahi Nuur, una rajeeyey caafimaad Xildhibaan Mayow Mustaf Isaaq oo dhaawac soo gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in falalka argagaxisadu ka gaysanayso caasimadda ay muujinayso awooda kooxaha nabad diidka oo ku soo ururtay iney fuliyaan falal gaadmo ah, waxana si aad ah u farayaa ciidamda amnigu in ay ka hortaagaan kooxahaan caadaystay laynta dadka bulshada dhexdeeda maqaamka ku leh.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Anigoo ku hadlaya magacayga, kan xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyskii, ehelkii iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed dilkii saaka loo gaystay marxuum Ex- Xildhibaan hore Liibaan Cabdullahi oo kooxo hubaysan saaka ku dileen Xamar Weyne, waxaan ilaahay uga baryayaa inuu jannatul Fardowso ka waraabiyo, Samir iyo Imaana ka siiyo Ehelka, Qaraabada iyo dhammaan intii jeclayd” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo dhanka kalana Caafimaad taam ah u rajyeeyey inuu Alle siiyo Xildhibaan Mayow Mustaf dhaawaceen kooxaha nabad diidku.

Ugu danbayntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqasho ugu tagay xildhibaanka oo qaliin looga sameynayey Isbitaal Madiina, sidoo kalana ugu baaqay laamaha amniga in ay dar-dar galiyaan howlaha lagu sugayo amniga caasimadda iyo xildhibaanada baarlamaanka.

–DHAMMAAD—

Previous Post

Dooda Xildhibaannada Oo Soo Gaartay Galabta, Welina Socota (Daawo Muuqaal)

Next Post

Kulanka Baarlamaanka Oo Soo Gaba gabaowday Iyadoo dooda aysan dhamaan

Next Post

Kulanka Baarlamaanka Oo Soo Gaba gabaowday Iyadoo dooda aysan dhamaan

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In