Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW. Cumar ayaa hambalyo ku aadan 8-da Marso u diray Haweenka Soomaaliyeen

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
RW. Cumar ayaa hambalyo ku aadan 8-da Marso u diray Haweenka Soomaaliyeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa hambalyo ku aadan 8-da Marso u diray Haweenka aduunka gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed, isagoona ku tilmaamay doorka haweenku ay ku leeyihiin bulshada inuu yahay mid muhiim ah, marka loo eego dhanka bar baarinta qoyska, caafimaadka caruurta iyo waxbarshadooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay haweenku ay la kulmeen tacadiyo badan, ayna ahaayeen kuwa ugu jilicsan oo ay soo gaareen dhibaatooyinka dalka soo wajahay mudadii rubuc qarniga ahayd. dhanka kalana ay horeed ka ahaayeen isku xirka bulshada xiliyadii ay dagaalada ka socdeen dalka, waxayna qaybna ka yihiin mar kasta nabadaynta iyo horumarka bulshada.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026

“Waxay noo tahay fursad inaan cusboonaysiino iney naga go’antahay in ammaanka iyo daryeelka haweenka uu udub dhexaad u yahay siyaasada xukuumadda. Inkastoo xeerar fara badan la soo saaray oo qeexaya ilaalinta xuquuqda haweenka, hadana waxaa jira wax badan oo aan wali qabsoomin. Sharciyo la soo saaray keliya ma xoreeyn karaan xuquuqda haweenka. balse waxaa loo baahan yahay in loo wada istaago sidii loo hormarin lahaa daryeelka haweenka iyo inaan u badalno balan qaadkeena mid ficil ah” ayuu yiri RW Cumar

“Haweenka Soomaaliyeed waa asaaska nolosha qoyska, waxayna saamayn ku leeyihiin jirtaanka qoyska ee dhanka waxbrashada iyo caafimaadka, waxaan balan qaadaynaa inaan sare u qaadno fursadaha haweenka ee dhanka maamulka iyo daryeelkooda guud, waxaan sidoo kale diyaar u nahay inaan dhagaysano codkooda” ayuu yiri RW Cumar

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Haweenku ay ku leeyihiin horumarka bulshda door aan caadi ahayn marka la qeexayo aayaha ummadda Soomaaliyeed. Waxaana xusid mudan in dumarku kaalin muuqata ka qaataan dhanka nabadaynta iyo is dhex galka bulshada.

Previous Post

Xuska Maalinta Haweenka Aduunka oo Garoowe lagu qabtay”SAWIRRO”

Next Post

Munaasabad lagu qabtay Xamar Jajab” SAWIRRO”

Next Post
Munaasabad lagu qabtay Xamar Jajab” SAWIRRO”

Munaasabad lagu qabtay Xamar Jajab” SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In