Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW Cumar Cabdirashid: “Waxaan dardar-galinayaa helitaanka Siyaasad xasiloon oo isfaham leh, si loo gaaro aragtida 2016” “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke ayaa maanta waxaa horgeeyey golaha Shacabka Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, si ay u  siiyaan codka kalsoonida kadib markii uu Madaxweynuhu  magacaabay 17-kii bishan.

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa Barlamaanka ka hor akhriyey khudbad ka hadlaysa waxyaalaha u qorshaysan xukuumadiisa, iyo qaab ka ay noqonayso xukuumada cusub oo soo dhiso doono.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu ahmiyada kowaad siinayo arrimaha nabad galyada, iyo in dalka Soomaaliya uu gaaro isku filaansho dhanka amniga ah, taas oo loo marayo dhisida ciidan qaran oo tayo leh.

“Marka aan helo kalsoonidiina, waxaan ballanqaadayaa inaan soo dhiso Xukuumad loo dhan yahay. Xukuumaddaas oo noqon doonta mid matasha qeybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed, isla markaasna leh karti, aqoon, hufnaan, khibrad iyo firfircooni. Hadafka Xukuumadda aan soo dhisidoono, wuxuu noqon doonaa, in la hormariyo, lana higsado, gaaritaanka Isku-filnaasho dhanka Amniga, Dhaqaalaha iyo Adeegyada Bulshada sida ugu dhakhsida badan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadiisu noqon doonto mid ay kala dhaxayso wada shaqayn dhamaan Hay’adaha dowaldda, si loo helo xasilooni siyaasadeed oo dalka ka saari karta marxalada uu hada kujiro, loona xaqiijiyo hirgalin aragtida 2016.

“Barnaamijka xukuumadda aan soo dhisidoono ka sokow, aniga oo kaashanaya Madaxweynaha,Hoggaanka Golaha Shacabka, Xildhibaanada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada  Soomaaliyeed, waxaan dardar-galinayaa helitaanka Siyaasad xasiloon oo isfaham leh, una dhaxeysa Madaxda Soomaaliyeed heer Federaal iyo heer Dawlad-goboleedba, si dib loogu hanto kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed.Helitaanka Xasiloonida iyo isfahamka Siyaasaddu, wuxuu lafdhabar u yahay jiritaanka qaranimada Soomaaliya” ayaa yiri RW Cumar oo dhanka kalana xusay  in xasilooni la’anta Siyaasaddu.ay halis gelin karto, Qaranimada, Dawladnimada, Horumarka, iyo Sharafta Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed,  caqabadna ku noqon karta bisaylkii siyaasadeed ee aan gaarnay sanadihii lasoo dhaafay

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey xubnaha golaha shacabka codka kalsoonida ee ay siiyeen Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, isagona sheegay in uu balan qaadayo inay wada shaqayn buuxda dhex mari doonto isaga iyo Ra’iisul wasaaraha tixgalina uu sii doono go’aamada golaha wasiirada isagoona sheegay inuu ku difaacayo sarreynta sharciga.

“Waxaan idinka mahadcelinayaa ansixinta Ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia oo aan u soo magacaabay  Danjire Cumar oo kalsooni aan ku qabo inuu howlaha harsan dhameystiri karo, sidoo kalena uu sii wadi karo howlihii labadii sano ee lasoo dhaafay lasoo qabtay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo ugu baaqay R/Wasaare Cumar  inuu degdeg ugu hawlgalo dhisidda xukuumad cusub si loo gaaro hadafka dalka ee ku aaddan horumar, ammaanka iyo xaqiijinta hiigsiga 2016.

–DHAMAAD—

20141224635550076425848412Cumar_Cabdirashiid_Somalia_RW_Ansixinta_Maanta 20141224635550077619797981IMG_1929 20141224635550077798616016IMG_2011 20141224635550078883734623IMG_1992 20141224635550079429763030IMG_2060 20141224635550079637111617IMG_2036 20141224635550080105285876IMG_2130 20141224635550081699729115IMG_2064 20141224635550096327495531IMG_1902 20141224635550101390574369IMG_2113 20141224635550101614001179IMG_2028 20141224635550102287020027IMG_2119

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo Baarlamaanka uga mahadceliyey ansixintii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke

Next Post

Akhriso Khudbadii Ra’iisul Wasaaraha maanta ka hor akhriyey Golaha Baarlamaanka

Next Post

Akhriso Khudbadii Ra'iisul Wasaaraha maanta ka hor akhriyey Golaha Baarlamaanka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In