Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW Cumar Cabdirashid: “Waxaan dardar-galinayaa helitaanka Siyaasad xasiloon oo isfaham leh, si loo gaaro aragtida 2016” “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke ayaa maanta waxaa horgeeyey golaha Shacabka Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, si ay u  siiyaan codka kalsoonida kadib markii uu Madaxweynuhu  magacaabay 17-kii bishan.

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa Barlamaanka ka hor akhriyey khudbad ka hadlaysa waxyaalaha u qorshaysan xukuumadiisa, iyo qaab ka ay noqonayso xukuumada cusub oo soo dhiso doono.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu ahmiyada kowaad siinayo arrimaha nabad galyada, iyo in dalka Soomaaliya uu gaaro isku filaansho dhanka amniga ah, taas oo loo marayo dhisida ciidan qaran oo tayo leh.

“Marka aan helo kalsoonidiina, waxaan ballanqaadayaa inaan soo dhiso Xukuumad loo dhan yahay. Xukuumaddaas oo noqon doonta mid matasha qeybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed, isla markaasna leh karti, aqoon, hufnaan, khibrad iyo firfircooni. Hadafka Xukuumadda aan soo dhisidoono, wuxuu noqon doonaa, in la hormariyo, lana higsado, gaaritaanka Isku-filnaasho dhanka Amniga, Dhaqaalaha iyo Adeegyada Bulshada sida ugu dhakhsida badan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadiisu noqon doonto mid ay kala dhaxayso wada shaqayn dhamaan Hay’adaha dowaldda, si loo helo xasilooni siyaasadeed oo dalka ka saari karta marxalada uu hada kujiro, loona xaqiijiyo hirgalin aragtida 2016.

“Barnaamijka xukuumadda aan soo dhisidoono ka sokow, aniga oo kaashanaya Madaxweynaha,Hoggaanka Golaha Shacabka, Xildhibaanada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada  Soomaaliyeed, waxaan dardar-galinayaa helitaanka Siyaasad xasiloon oo isfaham leh, una dhaxeysa Madaxda Soomaaliyeed heer Federaal iyo heer Dawlad-goboleedba, si dib loogu hanto kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed.Helitaanka Xasiloonida iyo isfahamka Siyaasaddu, wuxuu lafdhabar u yahay jiritaanka qaranimada Soomaaliya” ayaa yiri RW Cumar oo dhanka kalana xusay  in xasilooni la’anta Siyaasaddu.ay halis gelin karto, Qaranimada, Dawladnimada, Horumarka, iyo Sharafta Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed,  caqabadna ku noqon karta bisaylkii siyaasadeed ee aan gaarnay sanadihii lasoo dhaafay

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey xubnaha golaha shacabka codka kalsoonida ee ay siiyeen Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, isagona sheegay in uu balan qaadayo inay wada shaqayn buuxda dhex mari doonto isaga iyo Ra’iisul wasaaraha tixgalina uu sii doono go’aamada golaha wasiirada isagoona sheegay inuu ku difaacayo sarreynta sharciga.

“Waxaan idinka mahadcelinayaa ansixinta Ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia oo aan u soo magacaabay  Danjire Cumar oo kalsooni aan ku qabo inuu howlaha harsan dhameystiri karo, sidoo kalena uu sii wadi karo howlihii labadii sano ee lasoo dhaafay lasoo qabtay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo ugu baaqay R/Wasaare Cumar  inuu degdeg ugu hawlgalo dhisidda xukuumad cusub si loo gaaro hadafka dalka ee ku aaddan horumar, ammaanka iyo xaqiijinta hiigsiga 2016.

–DHAMAAD—

20141224635550076425848412Cumar_Cabdirashiid_Somalia_RW_Ansixinta_Maanta 20141224635550077619797981IMG_1929 20141224635550077798616016IMG_2011 20141224635550078883734623IMG_1992 20141224635550079429763030IMG_2060 20141224635550079637111617IMG_2036 20141224635550080105285876IMG_2130 20141224635550081699729115IMG_2064 20141224635550096327495531IMG_1902 20141224635550101390574369IMG_2113 20141224635550101614001179IMG_2028 20141224635550102287020027IMG_2119

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo Baarlamaanka uga mahadceliyey ansixintii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke

Next Post

Akhriso Khudbadii Ra’iisul Wasaaraha maanta ka hor akhriyey Golaha Baarlamaanka

Next Post

Akhriso Khudbadii Ra'iisul Wasaaraha maanta ka hor akhriyey Golaha Baarlamaanka

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In