Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW. Cumar: “Go’aanka Bangiyada Maraykanku waxay horseedi karaan dhibaato kale oo bini’adamnimo oo dalka soo food saarta”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
RW. Cumar: “Go’aanka Bangiyada Maraykanku waxay horseedi karaan dhibaato kale oo bini’adamnimo oo dalka soo food saarta”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ugu baaqay bangiyada dalka Mareykanka in ay ka laabtaan go’aanka ay ku xirayaan xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida ee dalka Maraykanka. Waxana uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed intooda badan ay noloshoodu ku tiirsan tahay adeegga Xawaaladaha oo ay lacago usoo marsiiyaan eheladooda ku nool dibadda.

“Lacagaha ay soo diraan Soomaalida ku nool dibadda, ayna fududeeyaan bangiyada Mareykanka, waxa ay u tagtaa qoysas iyo caruur la tacaalaya nolol adag. In badan oo Soomaali ah ayaa ku tiirsan adeega ay u fudiyaan Xawaaladahu” ayuu yiri Sharmaarke.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dareensan tahay wa-lwalka Bangiyada ee ah la dagaallanka dhaqdhaqaaqyada sharci darada ah, xalaaleeynta lacagta dambiyada laga sameeyo iyo argagixisada, laakiinse uu horseedi karo go’aanka Bangiyada dhibaato kale oo bini aadamnimo oo dalka soo food saarta.

“Go’aanka Bangiyada Mareykanka ee ah in uu xirayo xisaabaadka bangiyada ee shirkadaha xawaaladaha lacagta waa in dib loo eegaa maxaa yeelay tani waxa ay marmarsiiyo la’aan dhibaataynaysaa Soomaaliya oo dhan”.ayuu yiri RW Cumar.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay nolosha dadka Soomaaliyeed wax ka badan 60% ay ku xiran tahay lacagta ay qurba joogtu ka soo diraan dibadaha“Muddo sanado ahba Xawaladaha Soomaalidu waxay samaynayeen shuruudaha iyo soo rogida sharciyo adag si ay howlahood shaqo u noqdaan kuwo aan mugdi ku jirin. Waxey inbadan ku celceliyeen iney u heelan yihiin wax ka badalka habkii ay lacagta u diri jireen. Dawlad ahaan, waan amaanaynaa dadaalkooda iyo baaqayada mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanku ku doonayaan in Xawaaladuhu ku sii shaqeeyaan, waxaana ugu baaqaynaa Bangiyada Maraykanka in ay xoogga saaraan in xal laga gaaro dhibaatadaan hada soo korortay, halkii lagu deg degi lahaa in xawaaladaha laxiro.

Previous Post

Madaxa UNFPA ee Soomaaliya oo maanta booqday Puntland”sawiro”

Next Post

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo La Guddoon siiyey Shahaado Sharaf Uu Ku Muteystay Dhowrista Afka Soomaaliga “SAWIRRO”

Next Post
Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo La Guddoon siiyey Shahaado Sharaf Uu Ku Muteystay Dhowrista Afka Soomaaliga “SAWIRRO”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo La Guddoon siiyey Shahaado Sharaf Uu Ku Muteystay Dhowrista Afka Soomaaliga “SAWIRRO”

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In