Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW Cumar oo hambalyo ku aadan xuska 12 April u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Garoowe, 12, April, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirshid Cali Sharmarke ayaa hambalyo ku aadan sanad guuradii 55aad ee ka soo wareegtay asaaskii ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed u diraya Taliska guud ee Ciidanka, Hogaamada kala duwan, Abaanduulayaasha Ciidamadda, Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeenada, Alifleyda iyo Dablayda Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed,

“Waa maalin taariikhi ah, waa asaaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay maanta u buuxsantay 55 sano.Ciidamda Xooga Dalku waxay soo mareen marxalada kala duwan, waxayna gaareen inay ka mid noqdaan ciidamada ugu xooga badan Afirca. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya waxay leeyihiin taariikh ay ku dheehan tahay Geesinimo, Adkaysi, Xeelado ay ku wajahaan cadowgooda, iyo Wadaniyad, waxayna ka soo qayb qaateen tababarida iyo dhisida ciidamada wadamo ka mid ah Afirica” ayuu yiri RW Cumar

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay bur-burkii dalka ka dhacay iyo dowlad la’aantii ku habsatay iney sababtay in ciidanka Xooga dalka Soomaalliyeed soo wajaho bur bur dhan kasta ah, waxaana sidoo kale bur buray dhamaan xarumihii ciidanka xooga dalka.

“Nasiib wanaag dowladihii dalka isaga danbeeyey 15-kii sano ee la soo dhaafay, waxay qayb muhiim ah ka qaateen yagleelida iyo dib u dhiska ciidanka, Dowlad kastana waxay soo gaarsiisay meel wax laga sii wadi karo. Waxaa ilaahay Mahadiis ah in maanta ciidanka leeyihiin talis guud oo ay hoos yimaadaan, Darajooyin ku salaysan aqoontooda iyo khibradooda, una babac dhigeen iney habeen iyo maalinba u soo jeedaan difaaca dalkooda iyo dadkooda anagoo og iney wali jiraan duruufo dhaqaalo iyo kuwo qalab”

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in xukuumadiisu ay xooga saarayso in la mideeyo dhamaan ciidamada ku kala firirsan gobolada dalka, layskuna dhafo si loo helo ciidan qaran oo hal amar ku howl galo. taasna ay qab ka tahay safarka uu ku yimid Puntland,

“Ayadoo laga duulayo dhismaha ciidan qaran, xukuumadu waxay dhistay gudi ay hormuud u tahay Wasaarada Gaashaandhiga, gudigaas oo ka kala imanay gobolada dalka iyo maamul goboleedyada, si ay u sahlanaato dhisida ciidan qaran oo uu dalku yeesho. waxaan uga fadhinaa shacabka Soomaaliyeed iney garab ku siiyaan dowaldooda sidii dalkaan u heli lahaa ciidan qaran, taas oo noo sahli karta inaan cadowga ka sifayno goobaha ay uga harsan yihiin dalka, isla markaan kala wareega ciidamada AMISOM marka lagaaro 2017/ Waxaan leeyahay Geesiyaal adkeeya difaaca, xoojiya weerarada ka dhanka ah Cadowga, anaguna waxaan idinla garab taaganahay taageero nooc kasta ah. ” ayuu yiri RW Cumar

—DHAMAAD—

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo ugu Hambalyeeyay Ciidanka XDS sanad guurada 55aad

Next Post

Xuska 55 guurada ciidanka Xoogga Dalka oo ka socoto Muqdisho iyo gobollada dalka

Next Post
Xuska 55 guurada ciidanka Xoogga Dalka oo ka socoto Muqdisho iyo gobollada dalka

Xuska 55 guurada ciidanka Xoogga Dalka oo ka socoto Muqdisho iyo gobollada dalka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In