Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW. Cumar Oo maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
RW. Cumar Oo maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, January 21, 2015… Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa Ha’yada Culimada Soomaaliyeed, isagoo ku dhiirrigeliyey hoggaamiyayaasha diinta in ay gacan ka gaysta sidii dalka looga saari lahaa marxalada uu ku jiro.

Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay culimada ayaa la isku weydaarsadeen sida ugu habboon ee culimada diintu iyo dowladdu iskaga kaashan karaan wacyigelinta bulshada iyo la dagaalanka nabad diidka, wuxuuna sidoo kale la tashi kala yeeshay Xukuumadda cusub ee dhawaan uu soo dhisi doono.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

“Waxaan la soconaa in culimada diintu ay yihiin kuwo meel sare kaga jir bulshada, loogana fadhiyo iney dadaalkooda ku biiriyaan halgankan dalka lagaga xoreynayo kooxaha nabad-diidka ah. Waana in shacab iyo dowladba u midownaa dagaalka, loona xasilin lahaa goobaha laga xoreeyey, loogana hortagi lahaa fikirka xagjirnimada ah. Waana muhiim ah in culimadu ay qaataan kaalintooda hoggaamineed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharma’arke.

“Kooxda Al-shabaab waa koox baadi ah, kamana turjumayaan u jeedooyinka iyo qiyamka sarreeya ee diinta Islaamka. Xukuumadda aan soo dhisi doono waxa ay balanqaadaysaa in ay kaalin mug leh siin doonto culimada si loo cirib tiro fikirka qalafsan ee kooxda Al-shabab. Kaalinta culimadu waxa ay noqoneysaa mid wax ku-ool, laf-dhabarna u ah horumarka dalka, waxaana kaalin mug leh laga siin doonaa talada dalka iyo go’aamada la gaarayo”

Ugu danbayntii, culimada Soomaaliyeed ee ka qaybgalay kulankan ayaa soo dhoweeyey talooyinka Raysal Wasaaraha. Waxayna sheegeen in ay diyaar u yihiin kala qayb qaadashada dowladda arrimaha nabad galyad, waxbrashada, caafimaadka, iyo wacyi gelinta dhalinta, waxayna kula dar daarmeen Ra’iisul Wasaaraha inuu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dhamaystirta howlaha adag ee dowlada horyaala ka hor sanada 2016.
—DHAMMAAD—
unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Munaasabad Lagu Xusayay Maalinta Farta Soomaaliga La Qoray Oo Cadaado Lagu Qabtay “Sawirro”

Next Post
Munaasabad Lagu Xusayay Maalinta Farta Soomaaliga La Qoray Oo Cadaado  Lagu  Qabtay “Sawirro”

Munaasabad Lagu Xusayay Maalinta Farta Soomaaliga La Qoray Oo Cadaado Lagu Qabtay "Sawirro"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In